Dal in uu hawadiisa isticmaalo u diidey ra'iisul wasaaraha Hindiya

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Dowlada Pakistan ayaa Axadda maanta ah waxay si rasmi ah ugu diiday ra'iisul wasaaraha India in uu adeegsado hawadda waddankaas.

War-qoraal ah oo xukuumadda Islamabad kasoo baxay ayaa waxaa sharaxaad looga bixiyey sababta ay salka ku hayso diidmadda.

Sidda ku xusan qoraalka, diidmada ayaa daaran "xadgudubyadda daran ee ka socda gobolka Kashmir gaar ahaan qeybta India ay maamusho".

Go'aankan ayaa imaanaya iyadda oo xiisadda, dowladahan ku hubeysan hubka sida xun wax u gumaada ee Nukliyeerka, ay sii kordheyso.

Xurgufta ayaa xoogeysatay markii Hindiya ay laashay aqoonsiga gaarka ee gobolka Muslimiintu ku badan yihiin kuna soo rogtay howlgalo.

Dhaqdhaqaaqyadda ammaanka ayaa waxay socdaan muddo bilooyin ah, iyadda oo isu socodkii gobolka uu noqday mid aad u culus.

Waa markii saddexaad oo isbuucyo gudaheeda ah ay Islamabad u diiday hogaamiyeyaasha India in ay isticmaalaan hawadeeda.

Dalab ka yimid madaxweynaha Hindiya, Ram Nath Kovind, iyo ra'iisul wasaare Narendra Modi ayaa hoos loo dhigay bishii lasoo dhaafay.

Modi ayaa kusii jeeday Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgeli lahaa shir looga hadlayo arrimaha ganacsiga, kaasoo muhiim u ah dalkiisa.

Kashmir oo dadka ku nool badankooda ay Muslimiin yihiin ayaa waxaa isku haysta labada dal, iyadda oo dagaalo qaraar oo dhexmaray uu dhimasho keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM