"Dalalkan danahooda eeganaya dhex uma noqon karan DF iyo Somaliland"

Image

BRUSSELS, Belgium – Warbixin ay Hay’addaha Xasaradaha Caalamiga ah soo saartey ayaa waxaa ciwaan looga dhigay "Khataraha dib-u-dhigista wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland".

Qormadda International Crisis Group oo u muuqata mid isku dheela tiran ayaa diiradda saartey dhibaatooyin "ka dhalan karaan" hadii aysan dhinacyadda si degdeg ah u gaarin is-garad ay miiska wada xaajoodka isugu imaanayaan.

Dib u dhacyadaasi ayay ICG farta ku fiiqdey in ay dharbaaxo kulul ku noqonayaan xasiloonida iyo nabadda gobolka Geeska Afrika oo xusul duub ugu jira iska caabinta weeraro "argagixisinimo" oo ka yimaada Al-Shabaab.

Inkasta oo kahor ay jirtay rajo wanaagsan oo isu soo dhowaanshiyo ah, haddana, sidda ku cad warbixinta, waxaa mugdi sii geliyey dagaalkii Tukaraq, heshiiskii Berbera iyo talaabooyinkii ay xukuumada Muqdisho ka qaadey.

ICG ayaa sheegtay in ay jiraan dalal si gaar ah kuwa Carbeed oo labada dhinac daaha gedaashiisa ugu jira isla markaana qeyb ka ah dib-u-dhigista wada hadaladda, iyaga oo kaliya eegaya dulsaarkooda gaarka ah.

Wadamadaasi Khaliijka oo ku adkeysanaya in ay dhex yihiin ayaa "isha ku haya" masxaladooda dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid amni, maadaama Soomaaliya ay leedahay kheyraad kuna taalo marin Istaraatiiji ah.

Dowlada Federaalka iyo Somaliland oo mid walba oo dhinacooda kamid ah uu sheegayo in uu diyaar u yahay miiska wada hadalka oo uu yimaado, ayey hay’addu ku tartarsiisay in ay helaan madal madax banaan.

"Dalal eegaya danahooda ma dhex-dhexaadin karaan Soomaaliya iyo Somaliland," ayay tiri ICG oo intaasi raacisa "Dhinaca kaliya ee dhex-dhexaadka noqon kara waa Midowga Afirka, halkaasi oo ay kuwada hadli karaan".

Iyadda oo Turkiga, Itoobiya iyo Midowga Yurub oo laba dhinac aad ugu dhow ay haatan ugu cad-cad yihiin martigelinta, warbixinta ayaa gebi ahaanba meesha ka saartey in wadan hogaamiyo wada xaajoodka.

"Hanaanka ugu ballaaran wuxuu noqonayaa iyadda oo doorka wada hadalka uu hogaamiyo Midowga Afrika," ayey soo jeedisay warbixinta, taasi oo ka digeysa dib u dhacyo kale oo yimaadda.

Faaladan ayaa kusoo beegmeysa iyadda oo ay haatan qaar kamida wadamada caalamka oo ay ku jiraan kuwa gobolka ay aad ugu loolamayaan in iyagu martigeliyaan wada xaajoodka oo hakad ku jira tan iyo 2014-kii.

Somaliland oo madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii ayaa caalamka wuxuu u arkaa maamul goboleed ka tirsan dowlada federaalka oo mudooyinkii dambe xoojisay olalaheeda "midnimada Soomaaliya waa muqadas".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM