Dalka Iraan oo la geeyay qaar ka mid ah Xujaydii uga dhimatay Sacuudiga

Image
Image
Image

03 Octobar, 2015(GO)-104 ka mid ah Xujaydii ku geeriyootay dalka Sacuudiga ayaa maanta la geeyay magalada Tehran ee caasumadda dalkaasi si loogu aaso.

Madaxweynaha Iraan Hassan Rouhani iyo Mas'uuliyiin kale ayaa ka qayb galay tukashada Salaadda Janaasada ee mayadadka.

Xujaydii ugu badnayd ayaa dalka Iraan uga dhimatay isbuurashadii ka dhacday Xajka oo ay ku dhinteen ku dhawaad 770 ruux, waxaana Madaxweyne Rouhani dhacdadaasi ku eedeeyay Boqortooyada Sucuudiga oo uu tilmaamay inay sababtay maamul xumo.

Madadka kale ee reer Iraan ayaa la filayaa in dhawaan la keeno dalkaasi si loogu duugo waddankooda.
 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM