Dhakhtar HIV qaadsiiyay dad gaaraya 33 qof

Image

Wararka laga helayo dalka Hindiya, ayaa sheegaya in Dhaqtar uu caabuqa HIV ee keena cudurka AIDs-ka gaarsiiyay dad gaaraya 33 qof oo ku sugan gobolka Uttar Pradesh.

Ninkan oo la sheegay inuu yahay Dhakhtar aan shaqada u carbisnayn ayaa Bukaano qabay Caabuqyo kala duwan wuxuu u isticmaalay hal Siliinge dad kala duwan oo tiro ahaan lagu sheegay 556 qof.

Waxaa jira tiro badan oo aan lagu samayn baaritaan taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in cudurku siyaado.

Lama oga in tiradu intaas ka badan karto, balse waxaa la filayaa in wafdi heer Federaal ah oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka ay booqan doonaan degmada Unnao oo ah halka dhibaatadu ka dhacday.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli 50% boqolkiiba ay hoos u dhacday tirada dadka laga helayo cudurkaas.

Ciladda jirta ayaa lagu sheegay intahay in Dhakhaatiir anan qabin tababar wanaagsan dadku u raadsadaan adeegyo caafimaad, taasoo sare u qaadi karta walaaca laga qabo in cudurkan mar kale kor u kaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM