Dhakhtar qarka u saarnaa daawada Coronavirus oo lagu dilay Mareykanka

Image

WASHINGTON, US - Khabiir dadaal ugu jiray helidda daawada cudurka safmarka ee coronavirus ayaa lagu toogtay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Maraykanka.

Bing Liu, khabiir dhanka baaritaannada daawooyinka u qaabilsanaa Jaamacadda Pittsburgh ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh.

Jaamacadda ayaa Dr Liu ku tilmaamtay “cilmi baare heer sare ah” oo wax badan sayniska ku soo biiriyay, wallow aysan tafaasiil intaas ka badan ka bixin shaqsiyadiisa iyo sooyaalkiisa.

"Wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay," ayaa lagu qoray bayaan ay jaamacadda soo saartay.

Taliska Booliska Mareykanka ayaa shaaciyey inay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaan, waxay diideen in ay ka horudhacaan fahfaahinta natiijadda illaa iyo haatan u soo baxdey.

Mareykanka ayaa laga helay hal milyan kiisas oo ah safmarka Coronavirus, waxaana dhimashadda ay ka badan 100-kun, iyaddoo dadka ka bogsaday ay kumanaan kun ay gaarayaan.

Tan iyo markii uu bartamihii December uu kasoo bilowday bartamaha dalka Shiinaha, Covid-19 ayaa gaarey badi wadamada caalamka, waxaana uu galaaftay in ka badan 250-kun oo ruux.

GO + BBC

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM