Dhaqaalaha Sudan oo sii liicaya iyo dowladda oo qorshe cusb soo saartey

Image

KHARTOUM - Wakaaladda wararka ee dalka Sudan ayaa shaacisay in bangiga dhexe ee dalkaasi uu bilaabi doono daabacada 100 pound oo ah lacagta Sudan ee xaanshida ah si wax looga qabto dhibaatada dalkaasi ka haysata lacagta cadaanka.

Waqti xaadirkan lacagta Sudan ee xaashida ah ayaa ah 50 pound oo lacagta dalkaasi ah. Dhibaatada dhaqaale ee ka taagan Sudan ayaa ahayd mid sare u sii kacaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay .

Heerka Sicir bararka ayaa hadda gaaray 60%, qiiimaha lacagta Sudan ayaa sidoo kale hoos u sii dhacaysay. Waxaa imika dalkaasi ku yaraaday lacagta caddaanka ah ee ay dadka wax ku iibsadaan.

Dadka ayaa safaf dhaadheer u gala maalin walba bangiyada dalkaasi iyaga oo doonaya in ay lacago kala baxaan. Balse Dadka ayaa la bixi karo oo kali ah tiro cayiman oo lacag ah, oo xitaa mararka qaar wax ka yar 20 doolar.

Dhaqaalaha Sudan aya ahaa mid aan cago adag ku taagnayn tan iyo markii South Sudan ay madax banaanida qaadatay sanadkii 2011-kii. Markii ay South Sudan ka go'day Sudan ayaa waxaa saddex meelod laba meel wax soo saarka Shidaalka uu raacay South Sudan.

Arrintan ayaa horseeday in maciishadda qutul daruuriga ay sare u kacday. Dalka Sudan ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka dhacayay dibadbaxyo ay dadka uga cabanayeen maciishada oo qaali ah.

Cumar Al-bashir oo dalkaasi ka talinayay muddo dheer ayaa hadda doonaya in uu xilkaas mar kale u tartamo sanadka 2020-ka, balse caqabada hadda hortagan ayaa ah in u wax ka qabto dhibaatada dhaqaalaha ee dalkaasi ka taagan.

Madaxwayne Al-Bashir ayaa xilka dalkaasi kula wareegay afgembi militari sanaddii 1989.

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM