Geerida Ruth Bader oo hardan siyaasadeed gelin kara Mareykanka

Image

WASHINGTON, US - Ruth Bader Ginsburg oo aheyd Garsoore  sare oo ka tirsan Maxkamada sare dalka Mareykanka ayaa u dhimatey kansar iyadoo 87 sano jir ah.

“Wadankeenu maanta waxaa uu dhumiyey Garsoore muhiim ah,” sidaas waxaa yiri  Madaxa Maxkamada Sare ee dalka Mareykanka John Roberts.

Calanka ka hortaagan aqalka Cad ee Mareykanka iyo xarunta Maxkamada sare ayaa hoos loo dhigey halka boqolaal qof oo isugu jira siyaasiyiin iyo dadka u dooda xuquuqda haweenka isugu yimadaan dhismaha aqalkaas.

Ginsbur oo ku caanbaxdey iney difaacdo xuquuqda dumarka ayaa sanadkii 1993 waxaa Garsoore ka tirsan Maxkamada sare ee Mareykanka u magacaabey Madaxweyne Clinton. Taas oo ka dhigtey haweeneydii labaad ee loo magacaabo Maxkamadaas.

Ginsbburg ayaa bishii July ee sanadkaan cadeysay in laga daaweynayo cudurka Kansarka oo ka galay beerka .

Dagaalka Siyaasadeed

Dhimashada  Ginsbbur  oo ku soo beegantey lix asbuux wax ka yar doorashada Madaxweynaha dalka Mareykanka  ayaa la filayaa in dagaal siyaasadeed ka bilowdo aqalka sare xilli Madaxweyne Trump raadinayo inuu Maxkamada sare u magacaabo Garsoore kale.

Trump ayaa inta uu xilka hayey labo Garsoore oo la siyaasad ah xisbiga Jamhuuriga u magacaabey Maxkamada Sare ee dalka Mareykanka.

Dhimashadeeda wax yar kadib saxaafada oo waydiisay Trump ayaa sheegey iney ahyed Islaan yaab leh islamarkaana sameysay waxyaabo badan oo yaab ah balse sheegin inuu qorsheynayo magacaabista qofkii badali lahaa. Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa shegeey iney Ginsbur aheyd sharci yaqaan Maskax furan leh.

"Aragtideeda ku aadaneyd go’aanada ay qaadatey sida u doodista xuquuda dumarka iyo dadka naafada ah waxay ahaayeen kuwa dadka Mareykanka ah ku faanaan,” ayuu raaciyey intaas Trump.

Musharaxa xilka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa geerida Islaantaan ku sheegey iney tahay mid naxdin ah isagoo xusey in xubin muhiim ah Maxkamada sare ee Mareykanka dhumisay.

"Shaki kuma jiro, in aan cadeeyo, in codbixiye-yaashu doortaan Madaxweyne, Madaxweynahana ha soo xulo Garsooraha isagoo horgeynaya aqalka sare,” sidaas waxaa yiri Biden.

Islaanta ayaa saxaafada Mareykanka sheegtey in Gabar Ayeeyo u tahay kala dardaarantey in xilkaan ay baneyso la buuxiyo marka doorashada Mareykanka la qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM