Dibadbax lagu taageerayo Falastiin oo ka dhacay caasimada Ingiriiska

Image

LONDON, United Kingdom – Kumanaan kun oo shacab ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada London, talaabo ay ku dalbanayaa in lasoo afjaro hayshada Yahuuda ee Falastiin.

"Xorriyad hala siiyo Falastiin," iyo "Hala soo gabagabeeyo haysashada Gaza," ayay ku qaylinayaa dibad-baxayaasha, oo watay boorar ay ku taageerayaan Falastiin.

Mudaahadarayaasha oo socod kasoo bilaabay Portland Place ayaa soo maray Oxford Circus, Trafalgar Square illaa iyo Downing Street oo ay ku yaaliin xafiisyo dowladeed.

Ahed al-Tamimi, halyeey ay dadka reer Falastiin leeyihiin, kaasi oo isku soo dabariday banaanbaxa ayaa caalamka ka codsaday in qadiyadaan dhinac u ridaan.

17-jirkaan ayay Israa'iil xirtay dabayaqaadda 2017-kii, waxaana si sharci darro ah loogu xukumay 8-bilood oo xabsi ah in uu weeraray askari Yahuudi ah.

Isku soo baxaan ayaa imaanaya xili horaantii bishaan ay ka dhaceen dhulka la haysto ee Gaza duqeymo ay Yahuudu geystay, taasi oo ay ku dhinteen tobanaan rayid aan waxba galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM