Diyaarad ku burburtay wabi ku yaalla South Sudan

Image
Image

JUBBA, South Sudan - Inta la xaqiijiyay 19 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waxaa kasoo gaarey dhaawacy kadib markii diyaaradda rakaab ah oo kasoo duushay caasimadda South Sudan, ee Jubba, kuna sii jeeday magaalada Yirol ay ku burburtay wabi halkaasi mara.

Taban Abel Aguek, oo ah Wasiirka warfaafinta South Sudan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Anadolu in saddex ruux, oo ay kamid ahaayeen canug yar iyo caawiye duuliye laga soo badbaadiyay shilka diyaaradeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in 22 ruux oo rakaab ah ay la socdeen diyaaradda oo ahayd nooca yar ee ku safra gudaha dalka South Sudan, isagoo intaasi ku daray inuu socdo baaritaan ku aadan sababta keentay inay soo dhacdo.

"Wali ma hayno macluumaad buuxa oo ku saabsan diyaaradda, laakiin waxaan ognahay in diyaaradda ay ahayd mid aada 19 qof oo kasoo duushay Jubba, kuna sii jeeday Yirol," ayuu Aguek u sheegay AFP.

Sawiro iyo muuqaalo laga soo qaaday waxay muujinaya diyaaradda oo ku dhacday meel Wabi ah ayna kusoo xoomeen islamarkiiba dad doonayey inay gurmad u fidiyaan dhaawacyada.

Ma cadda sababta dhalisay soo dhicista diyaaradda, laakiin masuul u hadlay dowladda ayaa daboolka ka qaaday inay baarayaan waxa dhaliyey, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan inay ku timid cilad farsamo.

Baadari ka tirsan Kaniisadda magaalada Yirol, Simon Adut, ayaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa dadkii ku dhintay shilka diyaaradeed ee South Sudan.

Sanadkii 2015, ugu yaraan 36 qof ayaa dhintay kadib markii diyaarad qadiimi ah oo la sameeyay xilliga midowga Soviet-ka ay ku burburtay magaalada Jubba, wax yar kadib markii Garoon halkaasi ku yaalla ay kasoo duushay.

2017, waxaa dhimasho ka badaabaday 37 qof waqooyiaga galbeed ee magaalada Wau kadib markii uu dab xooggan uu qabsaday diyaarad ay la socdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM