Donald Trump oo dabciyey mowqifkiisa halista safmarka Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donlad Trump, ayaa markii ugu horeysay wuxuu fagaaro kasoo muuqdey isagoo xiran af-saab [maaskaro], talaabadaas oo in badan uu ka cagajiidayey.

Kormeer uu ku tegay isbitaal milatari oo ku yaala duleedka Washington ayuu kaga soo muuqdey isagoo af-saabka wata. Booqashadiisa waxay daarneyd indha-indheynta xaalada askar dhaawac ah.

Sidoo kale, waxaa uu qiimeynayey xaaladda howlwadeenadda caafimaadka ee safka hore kaga jira baacsiga safmareenka Covid-19.

Inta illaa iyo haatan la og-yahay, waa markii koowaad oo la arko Trump oo xiran maaskaro tan iyo markii cudurka ku faafay Mareykanka oo diiwaan-geliyey kiisas ka badan 2 milyan ayna sii kordhi karto.

Kaliya nafsadiisa uma uusan diidin in uu ka taxadaro cudurka, muwaadiniinta Ameerikaanka ayuu ku boorin jiray, arrintaas oo lagu dhaleeceeyay, wallow uu ku adkeystay in uu go'aankiisa yahay.

Intaas waxaa wehlisa, hogaamiyahan ayaa si ku cel-celis ah u sheegay in uusan u hogaan-sami doonin kala fogaanshiyaha dadweynaha.

Hase ahaatee, isbedelkaan soo ifbaxay ayaa loo aaneeyaa in Trump uu qaatay talooyinka dhakhaatiirta, balse si dhab ah looga ogga in uu xaqiiqsaday halista caabuqaan, walina si furan ugama hadlin.

Coronavirus oo kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa dilay in ka badan 134-kun oo Ameerikaan ah. Mucaaradkiisa waxay diidmadiisa ku sifeeyeen "hogaan-xumo". Trump ayaa doorasho galaya bisha November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM