Donald Trump oo dabciyey mowqifkiisa halista safmarka Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donlad Trump, ayaa markii ugu horeysay wuxuu fagaaro kasoo muuqdey isagoo xiran af-saab [maaskaro], talaabadaas oo in badan uu ka cagajiidayey.

Kormeer uu ku tegay isbitaal milatari oo ku yaala duleedka Washington ayuu kaga soo muuqdey isagoo af-saabka wata. Booqashadiisa waxay daarneyd indha-indheynta xaalada askar dhaawac ah.

Sidoo kale, waxaa uu qiimeynayey xaaladda howlwadeenadda caafimaadka ee safka hore kaga jira baacsiga safmareenka Covid-19.

Inta illaa iyo haatan la og-yahay, waa markii koowaad oo la arko Trump oo xiran maaskaro tan iyo markii cudurka ku faafay Mareykanka oo diiwaan-geliyey kiisas ka badan 2 milyan ayna sii kordhi karto.

Kaliya nafsadiisa uma uusan diidin in uu ka taxadaro cudurka, muwaadiniinta Ameerikaanka ayuu ku boorin jiray, arrintaas oo lagu dhaleeceeyay, wallow uu ku adkeystay in uu go'aankiisa yahay.

Intaas waxaa wehlisa, hogaamiyahan ayaa si ku cel-celis ah u sheegay in uusan u hogaan-sami doonin kala fogaanshiyaha dadweynaha.

Hase ahaatee, isbedelkaan soo ifbaxay ayaa loo aaneeyaa in Trump uu qaatay talooyinka dhakhaatiirta, balse si dhab ah looga ogga in uu xaqiiqsaday halista caabuqaan, walina si furan ugama hadlin.

Coronavirus oo kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa dilay in ka badan 134-kun oo Ameerikaan ah. Mucaaradkiisa waxay diidmadiisa ku sifeeyeen "hogaan-xumo". Trump ayaa doorasho galaya bisha November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM

Dalalka Khaliijka oo qaadaya tallaabooyin degdeg ah kadib weerarrada Iran

Sidoo kale, Saudi Arabia ayaa sheegtay in laba ka mid ah warshadaha sifeynta shidaalka ee dalkaas la weeraray.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 05:25AM