Donald Trump oo qirtey in uu doorashadda ku adkaaday Joe Biden

Image

WASHINGTON, US - Donald Trump ayaa u muuqda inuu qirey markii ugu horeysay in ninka la tartamaya ee Dimuquraadiga ah Joe Biden uu ku guuleystey doorashadii madaxweynenimada Mareykanka, laakiin wuxuu sidoo kale ku celiyey sheegashadiisa aan daliilka loo hayn ee ah in uu dhacay musuqmaasuq baahsan.

"Wuu guuleystay sababtoo ah doorashadii waa la dhacay"ayuu ku soo qoray Twitter.

In kasta oo looga adkaaday doorashadii 3-dii Nofeembar, Mr Trump illaa hadda wuu diiday inuu qirto.

Wuxuu ka bilaabay dacwado badan gobolada muhiimka ah laakiin ma uusan keenin wax cadeyn ah oo adkaynaysa sheegashadiisa ku aaddan in ay dhacday khiyaano.

Dadaalladiisii sharciga ahaana illaa iyo hadda laguma guuleysan.

Jimcihii, saraakiisha doorashada waxay sheegeen in codbixintu ay ahayd "tan ugu amniga badan taariikhda Mareykanka" mana jirin "wax caddeyn ah oo muujinaya in nidaamka codbixinta qaar laga tirtiray ama qaar la lmuiyey, ama la beddelay ama codadkii uu si uun wax u yeelay".

Si kastaba ha noqotee, Mr Trump wuxuu diiday inuu qirto guusha Mr Biden illaa iyo hadda.

Jimcihii, afhayeenka Aqalka Cad, Kayleigh McEnany ayaa u sheegtay Fox News: "Madaxweyne Trump wuxuu aaminsan yahay inuu noqon doono madaxweyne Trump, uuna helayo xilli labaad."

Shir jaraa'id oo isla maalintaas ah, Mr Trump wuxuu yidhi "yaa og" maamulkee mustaqbalka sii jiri doona.

In kasta oo uu qirayo guushii Mr Biden, marka loo eego qoraal Twitter-ka uu soo dhigay Axaddii, haddana madaxweynaha ayaa sii waday in uu yidhaahdo "weli ma qiran WAXBA!".

Twitter ayaa digniin ku dartay eedeymihii ugu dambeeyay ee Mr Trump ee ku saabsan khaladaadka, iyaga oo leh "Sheegashadan musuqmaasuqa doorashada waa lagu muransan yahay".

Kumannaan ka mid ah taageerayaasha Mr Trump ayaa ku mudaaharaaday Washington DC Sabtidii si ay u taageeraan sheegashadiisa aan xaqiiqda loo hayn.

Dibadbaxayaasha oo sita calanka ayaa waxaa ku soo biiray xubno ka tirsan kooxaha midigta-fog oo ay ku jiraan kooxda loo yaqaan Proud Boys, qaarkood waxay xirnaayeen koofiyadaha iyo jaakadaha aan xabadda karin.

Dibadbaxa oo ahaa mid nabadeed ayaa inta badan, asee fiidnimadii waxaa dhacay rabshado, iyadoo taageerayaasha Trump iyo kuwa ka soo horjeedda ay isku dhaceen dhowr goobood.

Saraakiisha ayaa sheegay in 20 qof loo xiray eedeymo kala duwan, oo ay ka mid yihiin gacan ka hadal iyo hub. Hal mindi ayaa la soo sheegay. Laba sarkaal oo bilays ah ayaa sidoo kale dhaawacmay.

Dhanka kale, cadaadiska ayaa ku sii kordhaya Mr Trump inuu si rasmi ah u ogolaado oo uu gacan ka geysto diyaarinta kala-guurka iyo soo wareejinta maamul ka.

Maamulka Guud ee Adeegyada (GSA), oo ah hay'adda dowladda ee loo xilsaaray bilowga hawshan, ayaan wali u aqoonsan Mr Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris inay yihiin guuleystayaasha.

Kooxda Biden lama siinin fursad ay ku helaan warbixino sir ah oo ku saabsan amniga, hay'adaha federaalka iyo maalgelinta loo baahan yahay si loo hubiyo kala-guurka awoodda. Afhayeenka Biden Jen Psaki ayaa sheegtay in marin la'aantaani ay saameyn ku yeelan karto awooda Mr Biden ee ah inuu wax maamulo.

Tiro yar laakiin sii kordheysa oo ah xisbiga Jamhuuriyiinta ayaa sidoo kale taageeraya baaqyada loo jeedinayo madaxweynaha la doortay in la siiyo warbixinno sirdoon oo maalinle ah.

BBC

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM