Trump: Cadaalada ayaan marsiinay hogaamiyihii ugu weynaa argagixisada

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa shaaca ka qaadey in ciidamadda Mareykanka ay dileen Abuubabar Al-Baqdaadi, hogaamiyihii Daacish ama kooxda ka la magax-baxday dowladda Islaamka.

"Mareykanka wuxuu cadaalada marsiiyey hogaamiyihii ugu weynaa argagixisada," ayuu saxaafadda u sheegay Trump oo xusay in Baqdaadi uu ku gubtay walxo qarxa oo uu isagu isku rakibay.

Trump ayaa ku adkeystay in askari ka tirsan Mareykanka uusan wax ku noqon howlgalka oo habeenimadii Sabtida ahayd ka dhacay magaaladda Idlib ee waqooyi barri Suuriya.

Baqdaadi ayuu xusay in uu ku cararay god dhulka hoostiisa ah markii ciidamada Mareykanka ay weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo uu godkaasi kula cararay.

Isaga oo sii hadlaya Trump ayaa tibaaxay in 11 carruur ah laga soo badbaadiyay gurigii uu degganaa."Dunida hadda waa amni sababtoo ah waxaa la khaarijiyey ninkii ugu cadowsanaa aduunka," ayuu ku daray.

Akhbaarta ku saabsan in la dilay ayaa soo ifbaxeysa iyadda oo ay jiraan labadda arrimood oo kala ah; Mareykanka oo kun askari kala baxaya dhulweynaha Suuriya iyo Daacish oo looga awood-roonaadey waddankaas.

Hadaba maxaa muhiim ka dhigaya dhimashadiisa?

Bishii Maaj, ISIL ayaa laga saarey dhulkii ugu dambeeyay oo Suuriya ah, gaar ahaan magaaladda Baghouz, halkaas oo kooxdu ku lahayd dhaxal badan ayna kaga dhowaaqday soo celinta Khilaafada Islaamka.

Kadib jabkaas oo Al-Baqdaadi uu shaashadaha kasoo muuqday shan sano kadib ayaa loo arkayey muujinta in hogaankiisu wali jiro. Inkasta oo muuqaalkaas aan la ogayn halka iyo goorta lagu duubay.

Baqdaadi kaliya ma ahan hogaamiye shaqeeye, balse wuxuu astaan u yahay jiritaanka kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.

Geeridiisa ayaa la aaminsan yahay in ay dharbaaxo kale ku noqon doonto maleyshiyaadka argagixisadda ah, ayna meesha ka saareyso in ay meelo kala duan oo aduunka kamid ah ka fuliso howlgalo xagjirnimo ah.

Waa kuma Abuubakar Al-Baqdaadi?

Amiirka kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka ayaa lagu qeexaa "ninkii loogu doon-doonista badnaa aduunka".

Bishii October 2011-kii, mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa u aqoonsaday "argagixiye" waxayna dul-dhigeen 10 milyan oo Doollar.

Lacagtaas ayaa waxaa loo balanqaad in la siin doono qofkii keena xog lagu dili karo ama sahleysa in nolosha lagu qabto.

Baqdaadi ayaa leh mas'uuiyadda abaabulka falal naxariis darro ah oo ka dhacay aduunka dacaladeeda kala gedisan.

Magaciisa dhabta ah ayaa lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, kaasoo sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad.

Xiligii uu Mareykanka ku duulay Ciraaq 2003-dii ayaa la sheegayaa in uu wadaad mararka qaar hayn jiray furaha Masjid ku dhowaa caasimadda. Masjidka ayaa la aaminsan yahay in uu mararka qaarkood ka ahaa Mu'adin.

Dadka isaga yaqaano ayaa ku sheegaya in uu Jihaad-aloose ahaa mudadii uu xukunka hayey Sadaam Xuseen, hogaamiyihii hore ee Ciraaq.

Kuwa kale ayaa aaminsan in lagu xagjireeyay afar sano oo uu ku xirnaa Xerada Bucca, oo ah goob Mareykanku maamulo oo ku taala koonfurta Ciraaq.

Saldhigaas ayaa waxaa sidoo kale ku xirnaa qaar kamid ah hogaamiyeyaashii ugu tunka weynaa shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.

Sanadkii 2010-kii ayuu soo shaac-baxay isaga oo ah hogaamiyaha Al-Qaacida Ciraaq, taas oo kolkii dambe la midowday Daacish.

Isku day ay kula midoobi lahaayeen falaagadda Al-Nusra Front ee Suuriya ayaa la sheegayaa in ay ka hoos-mareen rajadii ay filayeen.

Markii ugu dambeysay oo uu shaashadaha kasoo muuqdo waxay ahayd horaantii sanadkan 2019-kii. Kahor, markaan waxaa ugu dambeysay 2014-kii.

Sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu magaaladda Mosul kaga dhawaaqay aas-aasitaanka Dowladda Islaamka oo ka howlgaleysa qaybo kamida Suuriya iyo Ciraaq. Meelo kale oo dunida Carabta ah ayey kusii baaheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM