​Dood dhexmartay Murashaxiinta Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka

Image

Labada nin ee u loollama xilka madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka ee kala ah Tim Kaine oo ka socda xisbiga dimoqraadiga iyo Mike Pence oo xisbiga jamhuuriga ka socda ayaa xalay isku wajahay dood kulul oo la xiriirta dhaqaalaha, soogalootiga iyo siyaasadda arrimaha dibedda.

Dooda oo ka dhacday jaamacada Longwood University ee gobolka Virginia duleedka magaaladan Washington ayaa aheyd midda  kaliyah ee loo qorsheeyey in ay yeeshaan musharaxiinta madaxweyne ku xigeenada ka hor inta aysan dhicin doorashooyinka madaxtinimada bisha soo socota ee November.

Tim Kaine oo ah senator laga soo doorto gobolka Virginia iyo Mike Pence oo ah gudoomiyaha gobolka Indiana ayaa aad ugu kala duwanaa dhamaan qodobadi ay ka doodeen oo u badnaa arrimaha gudaha, marka laga reebo qodobka ah guul ka gaaridda xiriirka booliska, bulshada iyo yareynta rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadweynaha.

Wuxuu mid walba difaacay siyaasadda musharraxiinta ay la jiraan.

Mike Pence ayaa ku eedeeyay Hillary Clinton inay kordhin doonto canshuuraha laga qaado dadka maalqabeenka ah iyo inay ciidamada boolisku ku tilmaantay kuwo aan cadaalad aheyn, hase yeeshee Kaine ayaa ka soo dhex galeyey hadalkiisa isaga oo yiri arrinta booliska iyo bulshada waa arrin u baahan in laga doodo.

Kaine ayaa isna ku eedeeyey musharaxa xibiga jamhuuriga ee Donald Trump inuusan dooneyn inuu soo bandhigo lacagaha canshuur celinta, taasoo ay dad badan oo taageersan xisbiga dimoqraadiga aaminsanyihiin inuu Trump bixiyey canshuur yar.

Wuxuu sidoo kale cambaareeyay howlaha ganacsi ee Trump uu ku leeyahay dalka Ruushka.

Doodda labada murashax ayaa timid xilli dhawaan sidaan oo kale hadallo adag isugu jeediyeen mas'uuliyiinta labada Xisbi ee u loollamaya hogaanka Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM