Dooda doorashada Mareykanka: Trump iyo Biden oo is-aflagaadeeyay

Image

WASHINGTON, US – Doodii ugu horeysay oo si fool ka fool ah ku dhexmartay murashaxiinta xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga Mareykanka ayaa xalay qabsoontay iyaddoo la isku weedaarsaday hadalo xoogan.

Madaxweynaha talada haya Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden ayaa ku loolamaya coddeynta loo muddeeyay 3-da November.

Ajendaha miiska saaran waxaa kamid ah aafada Covid-19, ala qeybsnaanta bulshadda iyo rabshaha dadka kala jinsiyadda ah. Talaadadii September 29, 2020 illaa Khamiis, October 22, 2020 ayay socon doontaa dooda.

Mudadii dooda ay socotay hogaamiyeyaasha ayaa dhowr jeer sameeyay isku farataag iyaddoo mid walba isku dayey in uu kan kale aamusiyo.

Daadiyaha dooda wuxuu isku dayay in uu xakameeyo markii Trump iyo Biden ay bilaabeen in ay murmaan isla markaana ay hadalo aflagaado si toos ah waliba iyagoo is-arkaya ay hawada isku marinayeen.

Haddaba, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa qaar kamid ah hadaladii ugu xanafta badnaa iyo aflagaadii ay is-dhaafsadeen labada mas'uul.

Joe Biden: "Aniga halkaan uma joogo in aan sheego beentiisa, qof walba wuu og-yahay in uu yahay beenaale".

Donald Trump: "Biden aniga maahi beenaale qofka beenta sheegaya waa adiga oo ku qalin-jebiyey fasalkii ugu dambeeyay halkii ay ka ahayd falka koowaad".

Joe Biden: "Waa nacas"

Donald Trump: "Waxaad ahayd Senator, waxaadna tahay madaxweynihii ugu xumaa abid taariikhda Ameerika. Joe aniga waxaan 47 bilood ku sameeyay waxaad adiga ku sameysay 47 sano".

Joe Biden: "Dad badan ayaa dhintay, kuwa kale way dhimanayaa hadii uu helo mid caqli badan oo deg-deg badan".

Donald Trump: "Ma waxaad adeegsatay erayga caqli badan? Waxaad ku qalin-jabisay midkoodna heerkii ugu hoseeyay ama ku dhowaad heerkii ugu hoseeyay fasalkaaga. Aniga ha ii isticmaalin erayga caqli badane mar dambe".

Joe Biden: "Fursad isii".

Donald Trump: "Maxaad garaneysaa adiga? Ma jirto wax caqli oo aad leedahay adiga, Joe".

Joe Biden: "Madaxweynahaan waxaan ku noqotay kuwa daciif ah xanuunsan sabool ah oo aad u kala qeybsan iyo qalalaase badan".

Donald Trump: "Dalkeena wuxuu dib ugu soo laabanayaa si wanaagsan. Wuxuu iskoorada u dhigayaa sidii horey u ahayd. Uma baahnin nin lasoo kacaya waa in aan dhulka dhignaa. Wuxuu doonayaa in uu dalkaan burburiyo, anna waxaan rabaa in aan kala furfuro waddanka".

Doodan uu soo qaban-qaabiyey guddiga doorashooyinka waxaa si toos ah looga baahinayaa telefishinada maxaliga iyo kuwa caalamka, waana madal ay cod-bixiyeyaasha ku go'aansan karaan cidda ay taageerayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM