Natiijada doorashada dalka Guinea oo la shaaciyay

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa mar labaad ku guulaystay madaxtinimada waddankaasi, isagoo helay 58% codadkii la tirayay.

Guddiga doorashada dalkaasi ayaa lix maalin ka dib ku dhawaaqay natiijada, iyagoo  xusay in wareegii koowaadba guulaystay Conde.

Hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka Cellou Dalein Diallo ayaa codbixinta ku tilmaamay mid la musuq-maasuqay, wuxuuna helay 30% codadkii la tirayay.

Korjoogtada caalamiga ah ayaa waxa ay sheegayaan in dhibaato jirtay maalintii doorashada, laakiin ceebahaasi yaryar aysan saameyneynin natiijada.

Waxaa la sheegayaa rabshada u dhexeeya taageerayaasha labada dhinac ka jiraan meelaha qaar. Laakiin maalintii doorashada waxay ahayd mid nabadeed.

Dalka Guinea, waxaa gumaysan jiray Faransiiska, waxayna hornimadooda heleen 1958, ilaa 2008 dalka waxaa u soo talinayay labo hogaamiye oo kaligood talis ah.

Conde, ayaa madaxtinimada waddankaasi qabtay 2010-kii labo sano oo Milatari dalka maamulayay ka dib.
March, 2014 Guinea, waxaa ka dillaacay cudurka Ebola oo dilay In ka badan, 2,500 qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM