Dowladda Jabuuti oo Imaaraadka uga mahad-celisay taageerada

Image

ABU DHABI - Dowladda Jabuuti ayaa ka mahad-celisay taageeradda dhanka bani'aadaanimadda ee ay ka hesho dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna amaantay sida mar walba u garab taagan tahay Shacabkeeda.

Wasiirka Arrimaha Bulshadda ee dowladda Jabuuti, Muna Cismaan Aadan ayaa sheegtay in mashaariicyadda horumarimaneed ee Imaaraadka ka fuliyo dalkeeda ay yihiin kuwa wax tar u leh shacabka dalkaasi.

"Imaaraadka wuxuu door wayn oo muhiim ah uu ka qaataa horumarinta Shacabka dhibaateysan ee Jabuuti, waana talaabo aanan la iloobi karin," ayay tiri Marwo Muna Cismaan Aadan.

Hadalkaan ayey ka sheegtay kulan ay la qaadatay Qunsulka Guud ee dowladda Imaaraadka u fadhiya Jabuuti, Abdullah bin Abboud Al Naqbi, kaasoo diiradda lagu saaray xaaalda dalka.

Kulanka dhex-maray Wasiirka iyp Qusulka Guud ee Safaraadda Imaraaadka ee Jabuuti waxaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka iyo caalamka oo ay kawada walaacsan yihiin, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal.

"Jabuuti waxay ku tiir-san tahay taageeradda bani'aadanimada oo ay ka hesho Imaaraadka oo mashaariic badan, si gaar ah shaqaaleysiinta dumarka, dhalinyaradda iyo dadka kale," ayay raacisay hadalkiisa Munda.

Dowladda Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka dhowr oo Jabuuti siisa kaalmo dhinac kasta gaara ahaan bani'aadanimadda, waxaana goboladda dalka Jabuuti ka fuliyaan Hay'addo Imaaraadka laga leeyahay mashaariic badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM