Dumarka Sucuudiga oo loo ogolaaday doorashada dowladaha hoose

Image

12 December, 2015(GO)-Haweenka dalka Sacuudiga ayaa loo ogolaaday inay ka qayb qaataan doorashooyinka dowladaha hoose oo la filayo in dalkaasi ka dhacaan.

Dumarka ayaa sidoo kale loo ogolaaday inay isu soo sharaxaan jagoojinka golayaasha deegaanka waddankaasi, waxayna wajihi doonaan loollan xooggan.Ilaa kun haween ah, ayaa tartamaya waxayna la loolami doonaa 6 kun oo rag ah.

Arrintaasi ayaana lagu tilmaamay inay yara khafiifinayso cadaadiska lagu hayo haweenka Sacuudiga.

Doorashooyinka ayaa la hakiyay, kadib markii la diiday in dumarku waji ka waji la hadli karaan labka ama ragga.Waxaa loo ogolayn inay kaxaystaan baabuur goobaha codbixintu ka dhacayso, balse urur hweenku leeyihiin oo lagu magacaabo Al-Nahda ayaa ka caawinaya imaanshaha xarumaha codbixinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM