Duqaymo ka dhacay Suuriya oo dad lagu dilay

Image

18 September, 2015(GO)-Ugu yaraan 15 qof ayaa la sheegay in ay dhinteen kaddib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca qaraxyo ku garaaceen magaalada Busra Alsham gobolka Darca ee dalka Suuriya.

Duqaymahan ayaa ciidamada Suuriya ku beegsadeen saldhigyo ay leeyihiin fallaagada ka dagaallanta dalkaasi.

Wararka aay intaasi ku daraya in duqamya loo gaystay magaalooyinka Xalab ee waqooyi iyo Raqa oo dhacda bariga fog ee dalkaasi.

Magaalada Xalab oo kali ah waxaa la sheegay in 40 qof ku dhinteen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Dhaawacyada ayaa la rumaysanyhay inay intaasi ka badanyihiin, waxaana colaadaha dalkaasi ka socda sababeen qaxa muhaajiriin Suuriyaan ah kuwaasi oo ku dhibaataysan xuduuda waddamada Yurub qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM