Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo shacab ku dhinteen

Image

WASHINGTON. D.C — Hey’adda xuquuqda aadanah u dooddo ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada duqeynmaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ay aad u korortay.

Warbixin ay maanta oo Arbaca ah soo saartay Amnesty oo aan kasoo xigannay wakaaladda wararka AFP ayaa lagu sheegay in weeraradani oo loo adeegsado madaafiic xoog leh ay ku dhinteen dad rayid ah.

Amnesty waxay sheegtay in labadi sano ee lasoo dhaafay ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay Soomaaliya ka geysteen in ka badan 100 weerar oo cirka ah.

Tiradan ayaa ka badan bay tiri hey’addani duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyay dalalka Yemen iyo Libya labadi sano ee lasoo dhaafay.

Warbixinta ayaa sheegaysa in baariitaanno lagu sameeyay kaliyah shank a mid ah weeraradaasi lagu ogaaday in dadka lagu dilay ay ka mid ahaayeen 14 ruux oo rayid ah. Tani ayaa dhalisay cabsi laga qabo in ay dhici karto in tiro badan oo dad rayid ah ay ku dhintaan weerarada cirka ah ee diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya.

Millatariga Mareykanka ayaa ku adkeystay in weerarada ay ka fuliyaan Soomaaliya aysan khasaaro kasoo gaarin rayidka.
Duqeymaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa bartilmaameedkoodu yahay kooxda Al Shabab ee xiriirka la leh ururka Al Qacida.

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM