Duufaanta Chapala oo labo qof ku dishay dalka Yemen.

Image

02 November, 2015(GO)-Duufaan xooggan ayaa la soo sheegayaa inay ka dhacday dalka Yemen isla markaana sababtay dhimashada labo qof iyo dhaawaca sagaal kale.

Dufaanta Chapala oo wayadan dul maraysay Badda Carbeed iyo qaybo ka mid ah Bad-weynta Hindia, ayaa ka dhacday jasiiradda Socotra ee dalka Yemen, waxayna bur-burisay in ka badan 100 guri, halka rujisay geedo badan isla markaan dajisay Doonyo Kalluumaysi.

Wararka soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya inay duufaantu wadato daybl ku socoto xawaare dhan 195 km/h.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxday warbixin ka digaysay dufaanta Chapala oo la sheegay inay saamayso qaybo ka mid ah wadamada dhaca Badda Carbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM