Ebola oo dib ugu soo laabtey Africa, dadna ku dilay Congo

Image

KINSHASA - Cudurka dilaagga ah ee Ebola ayaa dib ugu soo laabtey dalalka Galbeedka Africa, kadib markii kiisas cusub laga helay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Wasiirka Caafimaadka Congo, Oly Ilunga ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 17 qof uu xanuunkan ku dilay magaalada Bikoro ee gobolka Equateur oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalkaasi tan iyo Talaadadii lasoo dhaafay.

"Wadankeenu wuxuu wajahayaa cudur faafa, kaasoo Fayruska Ebola, islamarkaana ah xaalad caafimaad oo caalami ah oo deg deg ah,” ayuu yiri Wasiirka caafimaadka Congo Oly Ilunga.

WHO iyo Hay'ado kale ayaa shaqaale caafimaad uu diray goobaha laga soo calaamadeeyay cudur, si loo xakameeyo, islamarkaana looga hortago inuu ka faafo guud agaah dalkaasi.

Waa markii Sagaalaad oo cudurkaan uu ku faafo dalkaan, waxaana uu markiisii hore kasoo un-kumay Wabiga Ebola, kaasoo laga helay sanadkii 1970-kii, waxaana loogu magac-daray cudurkaan dadka badan ku dilay dalalka Galbeedka Africa.

Ebola ayaa waxaa la aamisan yahay inuu si fudud ku faafiyo, sababi karana dhimasho badan, maadaama uu ku dhaco xitaa Xayawaanada sida Danyeerka.

Kahor inta uusan dilaacin waxay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee maxaliga ah in 21 qof oo dhibane ah, kuwaasoo laga helay Astaamo muujinaya inay qabaan Ebola, kuwaasi oo ku nooll tuulada Ikoko Impenge, oo ku dhow Bikoro. 17 qof oo kamid ah dadkaan ayaa dhintay.

Kooxo caafimaad oo garab ka helay Ururka Caafimaadka Aduunka [WHO] iyo Dhakhaatiirka aan Xuduuda lahayn ayaa waxaa loo direy meesha laga soo wariyay cudurka Sabtidii, waxayn qabteen Shan kamid ah dadka looga shiksan yahay.

Labo kamid ah dadka laga qaaday calaamadaha tijaabada ayaa waxay noqdeen kuwa laga helay xudurka, halka saddexda kale laga waayey, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Congo.

"Tan iyo markii la ogeysiiyay kiisaska 3-da Maarso, dhimasho lama soo sheegin kiisaska Isbitaalka ama shaqaalihii caafimaadka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Kadib markii uu cudurka Ebola ku soo laabtay Congo ayaa waxay masuuliyiintu aqbaleen inay dadka laga daaweeyo cudurkaan, laakiin mushkilado dhanka Saadka ah ayaa soo food-saartay Shaqaalihi howsha ku guda jiray.

Markii ugu xumeyd ee cudurka Ebola uu dadka ku dilo taariikhda Galbeedka Afrika waxay ahayd labo sano ka hor, markaasoo uu dilay in ka badan 11,300 qof, waxaaan qaaday cudurka [ku dhacay walina qaba] 28,600 sida laga soo wariyay Guinea, Sierra Leone iyo Liberia.

Inkastoo uu si joogta ah u dilaacayey cudurka sanadihii lasoo dhaafay, hadana dadka u dhimanayay cudurkaan ee dalka Congo ayaa hoos u dhacaysay tiro ahaan.

"Muhiimada waxaan siin doonaa, sidii aan Dowlada Congo ugala shaqeyn lahayn inaan hoos dhigno dadka u dhimanaya cudurka Ebola, oo dib u dilaacay,” waxaa sidaas sheegay Dr Peter Salama oo ah ku xigeenka Agaasimaha Guud ee WHO, qeybteeda gargaarka deg deg ah.

Khabiiradda caafimaad ayaa waxay aad u amaaneen wacyi-gelinta ku aadan ka hortegista cudurka si uusan u faafin, taasoo ay wadaan Saraakiisha caafimaadka ee maxaliga ah, kuwaasoo waqti badan ku bixiyay si uusan u cudurka waxyeelo daran u geysan.

Baaxadda Congo iyo Joqoraafi ahaan, ayaa wuxuu kaloo faa’ido uyahay dalkaan, maadaama marka uu cudurka dilaaco ay fududaha in la go’doomiyo meesha uu ka dilaacay, islamarkaana si deg deg ah loogu gurmdo.

Tuulooyinka Ikoko Impenge and Bikoro, ayaa sikastaba, waxay yihiin kuwa ganacsiga Cogno muhiim u ah, waxayna ku dhow yihiin Wabiga Congo River, kaasoo marin u ah Ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM