​Edogan iyo Obama oo kawada hadlay AFgabigii Turkiga

Image

WASHINGTON- Hogaamiyaasha dalalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa kawada hadlay afgambigii dhicisoobay oo todobaadkii hore ka dhacay dalkaasi, waxaana la sheegay inay kawada xaajoodeen arrimo xasaasi ah oo ku jirto codsiga xukuumadda Ankara ee ku aadan wadaadka lagu eedaynayo inuu ka dambeeyay afgambigaasi Fethullah Gulen.

Madaxweynaha maraykanka Barack Obama iyo  dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kuwada hadlay khadka Taleefoonka.

Obama, ayaa sheegay in xukuumadda Washington diyaar la tahay sidii qayb uga qaadan lahayd baaritaan lagu sameeyo ciddi ka dambaysay agambigaasi, isagoo sheegay inay ku yaboohi doonaan khuburo arrintaasi ka shaqaysa.

Labada hoggaamiye, ayaa sidoo kale ka wada hadley codsiga Turkiga ee ku aaddan in loo so gacan geliyo wadaadka Turkigu uu ku eedeynaayo in uu ka dambeeyay isku dayga afgembiga dhicisoobey ee Fethullah Gulen.

Afhayeen u hadlay aqalka cad, ayaan faahfaahin rasmi ah ka bixinin waxa uu ka yeelaayo Mareykanka codsiga Turkiga u soo gudbiyay.

Turkiga ayaa shaqada ka joojiyay 15,200 oo macalimiin iskuulada iyo jaamacadaha.

Wasaarada waxbarashada ee Turkiga, ayaa ku eedeysay inay xiriir la lahaayeen Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka, oo ay dowladda Turkiga ku eedeynayso inuu ka danbeeyay afgambigii milatariga ee guuldaraystay.

Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa.

In ka badan 1500 oo gudoomiyayaasha jaamacadaha ayaa sidoo kale gudiga waxbarashada sare ay ku amartay in shaqada laga joojiyo.

Ra'iisalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa balanqaaday inuu talaabo ka qaadi doono taageerayaasha Gulen.

Tan iyo wixii ka dambaysay Afgambigaas xukuumadda Ankara waxay xir-xirtay islamarkaana shaqada ka erisay in kabada 45,000 oo qof kuwaas lagu tuhmay inay xiriir la lahaayeen afgambigaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM