Eiffel Tower oo loo sameynayo Derbi looga hortago Qaraxyada [Sawirro]

Image
Image

PARIS - Madaxweynaha shirkadda "Societe de la Tour Eiffel" oo ah tan gacanta ku haysa taaladda caanka ah ee Eiffel Tower, ayaa xaqiijiyay inay billaabeen mashruuc ay ku dhisayaan derbi lagu wareejinayo Taaladda dhererkeedu yahay 324 mitir.

Sababta ayaa waxay tahay in laga cabsi qabo in lagu burburiyo weeraro "argigixiso," kuwaasoo ay ku beegsadaan kooxaha islaamiyiinta, ee weerarada ka geysta meelo badan oo caalamka ah.

Walaac kaliya ma ahan in lagu furo Rasaas ee waxaa laga cabsi qabaa in lagu beegsado baabuuro waa weyn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaasoo sababi kara inay burburto taaladda.

Xeendaabka cusub ee loo sameynayo Eiffel Tower, ayaa waxaa ku baxeysa aduun lacageed oo gaaraya 40 milyan oo Dollar-ka Mareykanka, waxaana mashruucan la filayaa inuu dhamaystiro bartamaha bisha July ee soo socota.

Bishii June ee 2016 ayaa derbi KMG ah loo sameeyay Talaaddan sida aadka ah u jecel yihiin dalxiisiyaasha. Kadib weeraradii ka dhacay Paris sanadkii 2015, oo ay ku dhinteen 240 qof, Eiffel Tower ayaa la xiray, sababo amni.

In ka badan todoba milyan oo dalxiisayaal ayaa la filayey inay soo booqaan Eiffel Tower sanadkan 2018, laakiin ma aysan dhicin, sababo ku aadan inay ahayd mid la xiray, oo hadda isbedel dhanka amaanka lagu sameynayo.

Dadka soo booqda waxay ka kala yimaadaan meelo kala duwan oo caalamka ah, kuwaasi oo ku gala sawirro Eiffel Tower, maadaama ay kamid ah meelaha ugu caansan aduunka.

Dalka Faransiiska ayaa wuxuu dhawaan meel-mariyay sharciga "la dagaalanka argigixisadda," taasoo ka dambeysay weerarkii ka dhacay Paris sanadkii 2015-kii.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradii Paris iyo kuwa badan oo ka dhacay dalalka Yurub.

Weerarkaas kadib dalkan Yurub ku yaalla, waxaa la geliyay xaalad deg deg ah, taasoo ay kusoo rogtay dowladii Madaxweyne Francois Hollande, waxaana uu saarnaa ku dhawaad muddo 2 sano ah.

Talaabadan hadda Gidaarka amaanka loogus sameynayo taaladda Eiffel Tower, ayaa ka dhigan tahay inuu sare usii kacay walaaca dhanka amaanka ee dalka Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM