Erdogan oo ku guuleystay doorashada Turkiga

Image

ANKARA, Turkiga - Recep Tayyip Erdogan, ayaa mar kale loo doortey xilka Madaxweynaha Turkiga, oo awood badan leh kadib markii uu ku guuleystay Doorashadii waqtigeeda laga soo horumariyay maanta ka dhacday guud ahaan gobolada dalkaan.

Codbixinta oo ka dhacday guud ahaan gobolada uu ka kooban yahay Turkiga ayaa waxaa ka qeyb qaatay dad gaaraya illaa iyo 47,346,008 qof, kuwaasoo u kala codeeyay Todoba Murashax oo ku tartamaysay.

Muharrem İnce, oo ah Murashax aad ugu soo dhawaa Erdogan,ayaa wuxuu helay 30.66% halka Erdogan uu helay 52.85%, taasoo ka dhigan inuu ku guuleystay doorashadda mar kale.

Sidaasi si lamid ah, Xisbiga uu Erdogan hogaaminayo ee AK Party ayaa ku horeeya natiijadda doorashadda ee dhanka Baarlamaanka, wuxuuna haystaan 42.7%, wuxuuna ku leeyahay 295 Mudane.

Xisbiga aadka ugu soo dhow wuxuu yahay midka CHP, kaasoo isana Baarlamaanka ku leh 146 Xilldhibaan, isagoona helay 22.6%, sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada.

- Natiijooyinka Isbahaysiga -

Xisbiyadda kala ah, AK Party, MHP, iyo BBP kuwaasoo isku xulufo ah, loona yaqaan "Isbahaysiga Dadka" ayaa waxay ka heleen wadar ahaan natiijadda doorashadda 53.9% taasoo ka dhigan inay haystaan 342 Xilldhibaan.

"Isbahaysiga Qaranka," oo ay ku midoobeen Xisbiyadda kala ah, CHP, Iyi Party, Saadet Party, iyo Demokrat Party ayaa iyagana helay 34%, waxayna ku yeesheen Baarlamaanka 192 Xilldhibaan.

Kuwa kale, ayaa waxay iyagana heleen 12.1%, taasoo ka dhigan inay helayaan 66 Mudane oo Golaha Sharci-dejinta ugu jirta.

Tani ma ahan natiijada rasmiga ah, oo uu Gudiga doorashada uu ku dhawaaqay.

- Maxay guushaan uga dhigan tahay Erdogan? -

Recep Tayyip Erdogan, oo isku haysta inuu yahay nin leh mucaaraad yar iyo muxaafi badan, ayaa guushaan waxay ka dhigeysaa Madaxweyne awood badan leh, islamarkaana isbedalo badan sameyn kara.

Waxa ugu horeeya ayaa ah in marka hore uu hoos udhigo awoodaha Baarlamaanku leeyahay, si ugu yaraan qorshaha uu wado Xisbigiisa uu isaga u meel mariyo, islamarkaana dalka gacan bir ah ugu qabto.

Mucaaradka doorashadiisa waxay ku tahay dharbaaxo wayn, maadaama ay olale xoogan soo galeen, islamarkaana natiijo liidata ay heleen, sida ay soo sheegayaan wariyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM