Erdogan oo si adag uga hadlay aflagaado loo geystay qoyskiisa

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in la xoojinayo xakameynta dowladda ee baraha bulshada markii Twitter lagu aflagaadeeyay gabadhiisa iyo soddogiisa oo cunugii 4aad uu u dhashay.

Shir dhanka telefoonka ah oo uu la yeeshay hogaamiyeyaasha gobolada ee xisbigiisa ayuu kaga hanjabay sharci cusub oo soo baxaya dhamaadka sanadkan si loosoo afjaro "akhlaaq darada baraha bulshadda".

"Ma fahamsan tihiin sababta aan uga soo horjeedno baraha bulshadda sidda YouTube, Twitter iyo Netflix? Waa in la ciribtiro akhlaaq daradaas," ayuu u sheegay xubnaha xisbigiisa Cadaaladda iyo Horumarka.

Dowladiisa ayuu ka dhawaajiyey in ay soo saareyso sharci, kaas oo ku qasbaya shirkadaha in ay joogitaan sharci ah ku yeeshaan Turkiga. Tani ayaa la macno ah in dhaqaale iyo sharci ahaan lala xisaabtami doono.

Berat Albayrak, wasiirka maaliyadda oo ay u dhaxdo gabadha Erdogan ee Esra, ayaa Khamiistii bartooda shaqsiga ah ee mareegaha Twitter-ka ku shaaciyey cunugooda 4aad oo loo bixiyey magaca Hamza Salih.

"Ku xadgudubka dhalaan"

Shaacinta waxaa xigay fariimo aflagaado ah loona mariyey baraha bulshadda kuwaasoo su'aal lagu geliyey aabanimada Albayrak.

Erdogan ayaa xusay in ay baaritaan ku socoto kuwa "ku weeraray" qoyskiisa "iyagoo ku xadgudubyada Ubadka dhowaan dhashay".

Hogaamiyaha oo ku eedeeyay shirkadaha baraha bulshadda ee xarumahooda ku yaalaan dalalka reer Galbeedka in ay "iska indha-tiraan" xadgudubyada Turkiga ayaa tibaaxay in ay kula xisaabtami doono arrintaas.

Suleyman Soylu, wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, ayaa xaqiijiyey in hawada laga saarey ciwaano badan oo qoraalo aflagaado ah baahiyey.

Turkiga ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee sidda adag ula tacaala baraha bulshadda, inkasta oo dowladda Recep Tayyip Erdogan ay dhankeeda u adeegsato in ay ku difaacdo barnaamijyadeeda dhinaca siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM