Ergeyga QM ee Somalia oo warbixin siiyey golaha amaanka

Image

NEW YORK-Golaha amaanka oo 28 Jan,2016 dhageystey warbixin wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa sheegey in guul laga gaaro arrimaha wadankaan ku yaala geeska Afrika ku xiran tahay sida loo maamulo khataraha jira, isaga oo dhinaca kalena sheegey in heshiis laga gaarey arrimaha siyaasada.

" Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan idinla qaybsado war farxad leh," ayuu ergeyga wakiilka uga ah Somalia xoghayaha guud ee QM Michael Keating, ayuu yiri isaga oo la hadlaya 15 xubnood ee golaha amaanka.

Saaka, waxaa golaha xukuumada dowlada Federaalka ay qaateen go'aanka qaabka ay noqneyso doorashada sanadkaan. Taasoo ka dhalatey Lix bilood oo wadatashi ah. Talaabadaan ayaa ku tuseysa biseylka siyaasdeed ee dowlada Federaalka Somalia" ayuu yiri ergeyga cusub.

Gaar ahaan, Xoghayaha QM midoobey Ban Ki-moon ayaa tahniyad u direy madaxda Somalida go'ankaan ay gaareen isaga oo xusey in tani wadada u xaareyso in wadanka doorasho ka dhacdo inta hay'daha jira waqtigoodu dhamaan.

Dhinaca kale waxaa uu si gaar ah u soo dhoweeyey in dumarka laga siiyo labada aqal ee barlamanka kuraas tiradoodu gaareyso 30%.

Madaxa QM ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqey baahida loo qabo in la helo Road Map siyaasdeed ee lagu gaaro in wadanka Somalia doorashooyin xor ah ka dhacaan sanadka 2020.

Micheal Keating ayaa golaha amaanka u sheegey in labadii asbuuc ee uu joogey Somalia aysan aheyn kuwa sahal ah isaga oo dhexda kaga jirey wadahadlka madaxda Somalida halka uu la kulmey labo weerar ee koxda Al-shabab la beegsadeen xeebta Liido iyo xerada ciidamada Kenya.

Warbixnta golaha amaanka uu siiyey ergeyga cusub QM u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa timid xilli maalintii shaley 27 Jan, 2016 beesha caalamka tageertey qorshihii siyaasdeed ee madaxweyne Xasan kaas oo ah in aan laga guurin nidaamka 4.5 ee qabaliga ah.

Wakiilada QM ee Somalia ayaa qorsheynayey in kalfahdiga golaha amaanka horgeeyaan 28 Jan, 2016 in madaxada Somalida ku heshiisay nidaamka lagu soo dooran lahaa Barlamaka Somalia kuwasoo dhagaha fureystey farqiga u dhexeeya dhinacyada Somalida.

Warbixinta Ergeyga cusub ayaan gabi ahaan-ba lagu xusin diidmada Puntland ee ku adaan heshiiskaan iyadoo Micheal Keating sheegey in guud ahaan madaxda Somaida isku raacdey qaabka doorasho ee sanadkaan.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM