Ethiopia: Mareykanka oo xiray saldhig Drone

Image

06 January, 2016(GO)-Dowladda Mareykanka ayaa joojisay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama drone-ka ee ay u adeegsato ololaheeda ka dhanka ah mintidiinta Soomaaliya iyo Yemen kasoo duuliso Koonfurta Ethiopia, kadib codsi kaga yimid dowladda Ethiopia, sida ay sheegeen saraakiil.

Xukuumadda Washington ayaa malaayiin dollar ku bixisay sanaddii 2011, inay casriyeyso saldhig diyaarado oo ay ku leedahay magaalada Arba Minch, halkaasi oo ay kasoo dulliso diyaaradaha Reaper-ka loo yaqaan ee qaadi kara madaafiicda culus iyo bambooyinka lagu hayo satalayt-ka.

Saldhiggan ayaa ah saldhigga kaliya ee dowladda Ethiopia ay qirtay inuu ku yaallo dalkeeda.

Talaadadii ayaa saraakiil iyo diblomaasiyiin Mareykan ah ay xaqiijiyeen in lasoo geba gebeeyey dhaqdhaqaaqyadii diyaradaha drone-ka ee saldhigaas.

Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Getachew Reda ayaa sheegay in tani ay ku timid codsiga dowladda Ethiopia.

Waxa uu sheegay in markii horeba mashruucan uu ahaa mid waqtiyeysan, islamarkaana labada dowladoodba ay isku diyaariyeen imaanshaha waqtiga dhammaadka.

Dowladda Ethiopia ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka xulufada la ah Mareykanka, waxaana loo arkaa inay muhiim u tahay dagaalka lagula jiro mintidiinta gobolka.

Ciidamada Ethiopia ayaa iyaga oo qeyb ka ah howlgalka Amisom, waxa ay dalka Soomaaliya kula dagaalamayeen kooxda Al-Shabaab, tan iyo sanaddii 2011.

Sarkaal dhinaca arrimaha dadweynaha qaabilsan oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Addis-Ababa, David Kennedy, ayaa sheegay in shaqaalaha milatariga Mareykanka aysan iminka ku sugneyn saldhigga Arba Minch.

Waxa uu sheegay in labada dalba ay isla garteen in isticmaalka saldhigga Arba Minch aan hadda iyo wixii ka dambeeya loo baahneyn.

Xigasho: VOA

Related Articles

Trump oo amray CIA-da inay ka fuliso Venezuela Hawlgallo ay duqeymo ku jiraan

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in hawlgallada CIA-da ay ahaayeen kuwo si gaar ah loo qorsheeyay loona fuliyay.

  • Caalamka

    16-10-2025

  • 11:49AM

Axmed Al-Sharaa oo La Kulmay Putin xili uu booqashadii ugu horeysay ku tagey Ruushka

Sida laga soo xigtay bayaan kasoo baxay Kremlin-ka, Putin ayaa bogaadiyay dadaalka dowladda cusub ee Suuriya.

  • Caalamka

    15-10-2025

  • 11:37AM