Ethopia oo lagu eedeeyay dilka 75 ruux

Image

19 December, 2015(GO)-Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha Human Right Watch ayaa dolwadda Ethopia ku eedaysan dilka 75 ruux oo ka mid ahaa dad dibadbaxyo ka dhigay waddankaasi iyagoo ka cabanaya ballaarin lagu samaynayo caasimadda Addis Ababa.

Dadka cabanaya ayaa u badan Qowmiyadda Oromada, waxayna sheegeen hadii dhul ballaarin lasameeyo inay waayayaan Beerahooda ku dhaw caasimadda dalkaasi.

Kacdoon ka dhashay arrintaasi ayaa dowladda Ethopia u adeegsatay xoog in lagu joojiyo, waxaana naftooda waayay dibadbaxayaasha qaybtooda sida ay shaacisay hay'adda HRW.

Balse dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay arrinta Human Right Watch, waxayna dhimashada ku sheegtay shan qof oo kaliya, iyadoona shacbiga banaanbaxay ku eedaysay inay argagixiyeen bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM