EU oo 3-Bilyan ee Euro ugu deeqay Geeska Africa

Image

Maanta, Midowga Yurub ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu taageero u fidinayo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika iyada oo lagu caawinayo €3 Bilyan oo lacagta Euroga ah ilaa 2020ka. Dhawaaqa taageeradu wuxuu miyi ka hor intii aanay booqasho gobolka ku tagin Agaasime Ku-xigeenka Komishanka Yurub ee Agaasimka Hawlaha Horumarinta iyo Iskaashiga, Marcus Cornaro iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Alexander Rondos.

Waxay ka qayb-galayaan hawlgal wadaag ah oo heer caalami ah oo ay ka mid yihiin Hay’adaha Caalimiga ah oo ay ku jiaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, Madaxwaynaha Kooxda Baanka Aduunka, Jim Yong Kim, Madaxwaynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Cali Al-Madani iyo Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Midowga Afrika, Erastus Mwencha.

Hogaamiyayaasha horumarku waxay safar ku tagi doonaan dalalka Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya halkaas oo ay kula kulmi doonaan Madaxwaynayaasha dalwaddahaasi iyo wasiiradooda iyo xubno ka socda Ururada Bulshada si ay uga doodaan caqabadaha iyo iskaashiga mustaqbalka ee gobolka Geeska Afrika.

Safarka ka hor Komishineerka Midowga Yurub ee Horumarinta, Andris Piebalgs wuxuu yidhi: “Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu sii xoojiyo xidhiidhka qotoda dheer ee uu la leeyahay Geeska Afrika, Wuxuu caawinayaa dhisitaanka nidaam siyaasadeed oo dhamaystiran isla markaana la iskula xisaabtamo, wuxuu sare u qaadayaa iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha, wuxuu maalgalinyaa hawlaha nabad ilaalinta iyo bixinta mucaawinoyinka bilow-aadantinimo iyo iskaashiga horumarinta. Taageeradaanu ku caawinayaa guud ahaan Geeska Afrika si ay u gaadho, nabad, xasilooni, adkaysi iyo koboc uu gobolku aad ugu baahanyahay.”

Midowga Yurub wuxuu ka taageera dalalka Geeska Afrika arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha. Xidhiidhkani waxa lagu sheegay Istaraatijiyadda wadda shaqayn ee Geeska Afrika iyo Midowga Yurub ee sanadkii 2011 taas oo ka hadlaysa:

Wada xaajood balaadhan oo ku saabsan siyaasadda
Iskaashiga Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Is dhexgalka gobolka
Ka jawaabista xasaraddaha, iyo maamulkooda oo ay ku jiraan maalgalinta hawlaha nabad ilaalinta iyo dadaaladda.
Iskaashiyo horumarin

Habka Isku dhafan ee Midowga Yurub wuxuu daboolaa tusaale ahaan taageeradda isku xidhnaanshaha dalalka ku yaala Geeska Afrika sida (Isku-socodka iyo Tamarta); taageeradda nidaamka dawladd dhisida Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM, sidoo kale tababarka ciidamada Soomaalida, la dagaalanka Budhcad Badeedka ee Galbeeda Badwaynta Hindiya iyadoo ay waddo Ciidanka Badda ee Midowga Yurub (EU NAVFOR – Atalanta).

€3 Bilyan ee Euro ee lagu taageerayo iskaashiga horumarka dalalka Geeska Afrika ayaa wuxuu ka imanayaa Sanduuqa Horumarinta Yurub ee 11aad (EDF) Xadiga ugu badan ee lacagtani ayaa waxaa la marin doonaa xidhiidh laba-geesood ah oo lala yeelanayo Itoobiya, Eriteriya, Yugaandha, Soomaaliya, Jabuuti, iyo Kenya; badhkeed waxa isticmaali doona Hay’adaha Gobolka.

Barnaamijyadda Midowga Yurub waxay xooga saarayaan sidii loo xalin lahaa caqabadaha hor taagaan horumarka si loo daah-faydo khayraadka gobolka. Midowga Yurub wuxuu taageeryaa dhismaha nidaam siyaasadeed oo dhisme adag leh oo la iskula xisaabtamo, waxuu ka shaqaynayaa inuu xaliyo khilaafaadka, wuxuu sarre u qaadayaa awooda gobolka ee la dagaalamka abaarta iyo gaajadda, iyo sidoo kale sarre u qaadista dhaqaalaha kaas oo hoos u dhigaya fakhriga.

Taageerada laba-geesoodka ah ee Sanduuqa Midowga Yurub ee 2014-2020 ee dalalka la booqayano inta uu socdo safarku waxay gaadhaysaa

Itoobiya  €745 Milyan
Soomaaliya €286 Milyan
Jabuuti  €105 Milyan
Kenya €435 Milyan

Midowga Yurub sidoo kale wuxuu xidhiidh ganacsi oo dhow la leeyahay dalalka Geeska. Sanadkii 2013kii guud ahaan alaabada laga soo dhoofiyo Yurub waxay gaadhay €4.8 Bilyan halka la soo degto gaadhay €2.3 Bilyan.

Midowga Yurub wuxuu ku bixiyay in ka badan €1 Bilyan kaalmada bilow-aadantinimada ee Geeska Afrika ilaa iyo sanadkii 2011, Isagoo ka jawaabaya dhibaatada  barakaca degdega ah iyo sidoo kale dhibaatooyinka cuntada iyo nafadaqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM