Fahad Yaasiin oo dalka Kenya lugaha u galiyey khilaafka khaliijka [Sabab]

Image

NAIROBI ( GO) - Madaxa cusub ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa lugaha u galiyey wadanka Kenya khilaafka u dhexeeya wadamada Khlaiijka, sidaas waxaa lagu qorey jariidada Daily Nation cadadkeeda soo baxay maalintii Axada.

Bishii la soo dhaafey markii agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin loo magacaabey ku xigeenka hay’ada sirdoonka Soomaaliya “NISA” ayaa diidmo ka muujiyey hay'adaha sirdoonka ee afarta wadan ee xayiraada ku soo rogey Qadar iyo Kenya.

Wareysi Jariidada Daily Nation la yeelatey qof aad uga warqaba xogta ku xogeenka hay’ada sirdoonka Soomaaliya ayaa ku tilmaamey inuu yahay nin lacag badan haysa oo leh Han inuu siyaasada geeska Afrika isagu maamulo.

“Waxaa uu usu arkaa Qasim Suleymanigii geeska Afrika.” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Kenya. Qasim Suleymani ayaa madax u ahaa ciidamo ka tirsan wadanka Iran kuwasoo si gaar ah u tababaran loona adeegsado howlgalada wadanka dibadaiisa laga fuliyo.

Asbuucii Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo xilkaan u magacaabey Fahad Yaasiin dalka Kenya waxaa uu baaris ku bilaabey sida 40 jirkaan oo dhaley Sagaal caruur ah ugu suurtogashey inuu qaato dhalashada iyo Basaboorka dalkaan. 

“ Ma ahaan kartid Kenyaati hadana shaqo xasaasi ah dal  kale kama qaban kartid,” sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo ka tirsan hay’ada socdaalka Kenya. Gordon ayaa sheegey in dukumentiga Yasin haysto tusayo inuu ku dhashey Mandhera.

Iyadoo Dastuurka Kenya ogol yahay in qofku lahaan karo labo dhalasho hadana shaqada loo magacaabey ayaa ka dhigeysa mid Nairobi ku xiriirineysa xilka uu hayo.

Sabata arinkaan looga hadlayo labada dhalasho ayaa ah in Yasin uu ka tanaasulo midda dalka Kenya, sidaas waxaa Daily Nation u sheegey sarkaal kamid ah sirdoonka dalkaas.

Fahad Yasin waxaa u shaqeyn jirey Talefishinka Al-jazeera isagoo xiriir la yeeshey saraakiil sare oo ka tirsan dalka Qadar kuwasoo u sahley inuu lug weyn ku yeesho doorashadii Maxamad Cabdulahi Farmaajo loogu magacaabey Madaxweynaha Soomaaliya.

Yasin ayaa xogta waxay sheegeysaa inta uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya isku dayey inuu xiriir dhow la sameysto saraakiisha hay'adaha sirdoonka gobolka gaar ahaan kuwa ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya waxayna isku daygiisa ka muujiyeen shaki.

Markii Madaxweyne Farmaajo xilka agaasime ku xigeenka NISA u magacaabey Fahad Yaasiin saraakiisha sare ee sirdoonka gobolka waxay shaki ka muujiyeen iney la qaybsadaan xogta dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Dhinaca kale dalka Kenya waxaa uu taxadar weyn ka yeeshey la shaqeynta Fahad Yaasiin markii uu soo shaac baxey dagaalka siyasadeed uu kula jiro Madaxweynaha Jubaland, maamulkaas oo ay ka howlgalaan ciidamada Kneya ee ka tirsan AMISOM.

Tan kale oo sababta u ah diidamada madaxda sirdoonka gobolka iney la shaqeeyaan Fahad Yaasiin ayaa waxay ku saleysan tahay madaama uusan gabi ahaanba laheyn wax tababar ah ee ku aadan shaqada loo magacaabey.

Shir maamulada Soomaaliya ku yeesheen bishaan Sept 4-8,2018 magaalada Kismaayo ayaa qoraal ay kasoo saareen waxay walaac ka muujiyeen sida hay'ada sirdoonka shaqadeeda loo siyaasadeeyey iyagoo sidoo kale wel wel ka muuiyey in kaydka sirta qaranka gacanta u galo dowlado shisheeye.

GAROWE ONLINE +WAKAALADAHA 

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM