Falaagadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo "afduubtay" markab

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Isbaheysiga Sacuudiga horkacayo ee dagaalka kawada Yemen ayaa sheegay in falaagada Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta ay Badda Cas ka qafaasheen markab.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa afhayeenka isbaheysiga kasoo xigatay in markabka la afduubtay xili safrinayey shidaal ka yimid Kuuriyada Koonfureed.

Korneyl Turki al-Malki ayaa tibaaxay in "weerarka" ka dhanka ah markabka uu khatar ku yahay marinka Baab al-Mandeb.

"Afduubka markabka waxaa geystay burcad hubeysan oo gacansaar la leh falaagadda Xuutiyiinta," ayuu al-Maliki tibaaxay.

Ma uusan shaaca ka qaadin dalka iska leh markabka ama hadii ay jiraan shaqaalo la socday kuwaas oo u gacan-galay Xuutiyiinta.

Sidda ay wararku sheegayaan, markabka ayaa wuxuu ku safrayey calanka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Xuutiyiinta waddanka Yemen ayaa dhowr jeer waxay horey weeraro ugu ekeeyeen ceelasha shidaalka ee ugu muhiimsan dalka Sacuudiga, taasoo sarre u qaadey qiimaha Saliida ee caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM