​Faransiiska oo bur-biriyay xero qaxooti

Image

Dowladda Faransiiska ayaa ku dhaqaaqday tallaabo ay ku doonaysay inay ku bur-buriso xero ku taalla magalada Calais oo ay ku suganyihiin in kabadan 3,500 oo tahriibayaal.

Taallaabadan, ayaa dowladdu qaaday xalay saqdhexe iyadoo dhulka dhigtay qaybo kamid ah kaamkan oo dhaca dhuunta uu maro tareenka isku xira dalalka France iyo Britain.

Qorshahaasi, waxaa kasoo horjeestay muhaajiriinta kusugan Jungle iyagoo sameeyay rabshado kaga soo horjeedaan kaamkan magaaloobay, waxayna sameeyeen dhagax tuur iyagoo fowdeeyay Boliis goobta loo soo diray.

Boliiska ayaa isticmaalay rasaasta cinjirka ah iyo sunta dadka ka ilmaysiisa, waxayna ku guulaysteen inay badi xerada dhulka dhigaan.

Maxkamadda France ayaa todobaadkii tagay diiday codsi ahayd in dib loo dhigo qorshaha dowlada ee burburinta kaamka Jungle, taasoo cabasho xooggan ka keeneen dadka magalada Calais.

GAROWEONLIN

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM