Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geele oo kulmay, maxay kawada hadleen?

Image

JABUUTI- Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka dagay magaalo madaxda dalka Jabuuti ayaa waxaa  kulan deg deg ah uu la qaatey madaxda sare dalkaas, xilli xiriirka labada dal uusan wanaagsaneyn.

Kulan albaabada u xiran yahay oo dhexmarey Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geele ayaa war laga hayn qodobada looga hadlay iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu baaqdey warsaxafadeed wadajir ee la filayey iney wada qabtaan labada Madaxweyne.

Wadahadaladaan ayaa la filayaa iney diirada saari doonaan khilaaf dhowaan labada dal soo kala dhexgaley kadib markii xiriir isu soo dhowaansho uu dhexmarey dhowaan dalka Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagey magalada Asmara ayaa hadal uu ka jeediyey wadankaas ka dalbadey Qaramada Midoobey in cunaqabateynta hubka laga qaado Eritrea hadlkaas oo ay aad uga xumaadey wadanka Jabuuti.

Dowlada Ismaaciil Cumar Geele ayaa hadal cabasho ah kasoo saartey Isbadalka siyaasadeed ee Faraamjo ee ku aadan dalka Eritrea iyagoo xusey in hab-dhaqanka Villa Somalia yahay mid abaal-ka dhac ku ah shacabka dalkaan xilli ciidamadooda  dhiigooda u daadinayaan  sidii Nabada dalkaas dib loogu soo celin lahaa.

Warar warsidaha GO ka heley ilo xogogaal ah ee ku sugan magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele diidey inuu la kulmo wafdi wasiiro ah oo hordhac u ah booqashada Madaxweyne Farmaajo.

Lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka labada Madaxweyne iyadoo booqashada Farmaajo ee Jabuuti ku joogi doono la filayo iney gaareyso muddo Sadex Cisho ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM