Gaari ku dhacay Webi oo sababay dhimashada tobanaan rakaab ah

Image

KATHMANDU, Nepal – Gaari bas ah ayna la socdeen rakaab ayaa kasoo dhacay buur weyn kadibna ku dhacay webi ku yaala Nepal, taas oo keentay dhimashadda 17 ruux iyo dhaawaca 50 kale.

Madhav Kafle oo ka tirsan booliska ayaa tilmaamay in ay rumeysan yihiin in baarbuurka ay lasoo darastay cilad farsamo. Rakaabka waxay badankooda kasoo laabteen munaasabad dabaal-deg.

Bukaanadda qaarkood gaar ahaan 21 oo xaaladooda ay liidato ayaa Isbitaal la dhigay si loogu sameeyo baxbaano caafimaad.

Korneyl Kafle ayaa tilmaamay in rakaabka ay maqleen dhawaqa jug culus markii darawalka ku guuldareystay in uu bareega qabto.

Webiga uu ku dhacay gaariga oo lagu magacaabo Sunkoshi River ayaa waxaa guntiisa hoose lagu sheegay 20 mitir [70 feet].

Shilka ayaa waxaa laga soo wariyey meel 120 KM oo u dhiganta 75 miles dhinaca Bari kaga aadan magaaladda caasimadda ah ee Kathmandu.

Dabaaldega Tihar ayaa soo idlaaday todobaadkii hore. Dadweynaha oo soo laabanaya waxay dhalisay in gaadiidku ciriiri noqdo. Dowladda waxay bixisay digniino ku aadan shilal dhici kara.

Inta badan shilalka ka dhaca Nepal ayaa waxaa sababa buuraha oo qaab aan haboobeyn u yaala, gaadiidka iyo wadooyinka oo aad u burburusan isla markaana in muddo ah aan wax helin dayactira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM

Safarka JD Vance ee Switzerland oo dib u dhacay, iyadoo xiisado cusub ay hareeyeen heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Vance ayaa maalmihii la soo dhaafay si xooggan u difaacayay heshiiska ay kala…

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 07:19AM