Gaari ku dhacay Webi oo sababay dhimashada tobanaan rakaab ah

Image

KATHMANDU, Nepal – Gaari bas ah ayna la socdeen rakaab ayaa kasoo dhacay buur weyn kadibna ku dhacay webi ku yaala Nepal, taas oo keentay dhimashadda 17 ruux iyo dhaawaca 50 kale.

Madhav Kafle oo ka tirsan booliska ayaa tilmaamay in ay rumeysan yihiin in baarbuurka ay lasoo darastay cilad farsamo. Rakaabka waxay badankooda kasoo laabteen munaasabad dabaal-deg.

Bukaanadda qaarkood gaar ahaan 21 oo xaaladooda ay liidato ayaa Isbitaal la dhigay si loogu sameeyo baxbaano caafimaad.

Korneyl Kafle ayaa tilmaamay in rakaabka ay maqleen dhawaqa jug culus markii darawalka ku guuldareystay in uu bareega qabto.

Webiga uu ku dhacay gaariga oo lagu magacaabo Sunkoshi River ayaa waxaa guntiisa hoose lagu sheegay 20 mitir [70 feet].

Shilka ayaa waxaa laga soo wariyey meel 120 KM oo u dhiganta 75 miles dhinaca Bari kaga aadan magaaladda caasimadda ah ee Kathmandu.

Dabaaldega Tihar ayaa soo idlaaday todobaadkii hore. Dadweynaha oo soo laabanaya waxay dhalisay in gaadiidku ciriiri noqdo. Dowladda waxay bixisay digniino ku aadan shilal dhici kara.

Inta badan shilalka ka dhaca Nepal ayaa waxaa sababa buuraha oo qaab aan haboobeyn u yaala, gaadiidka iyo wadooyinka oo aad u burburusan isla markaana in muddo ah aan wax helin dayactira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM