Ganacsatada Soomaalida oo ka baqaysa in shuruucda WhatsApp uu saameeyo

Image

Shirkadda WhatsApp ayaa ka xadideysa dhammaan macaameesheeda inay halkii fariin dadka la wadaagaan in ka badan shan jeer.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagula tacaalayo wararka been-abuurka ah ee lagu baahiyo WhatsApp-ka iyo bogagga kale ee la xiriira oo ay leedahay shirkadda Facebook.

Facebook ayaa arrintan ka hirgalisay dalka Hinidya lix bilood ka hor.

Tallaabadan ayaa la qaaday ka dib markii ay waddankaas ka dhaceen dhowr fal oo dadweynaha ay ku dileen shakhsiyaad, waxaana soo baxay warar sheegayay in ay falalkaas ka dhasheen warar been abuur ah oo lagu faafiyay WatsApp-ka.

Illaa iyo haatan, dadka isticmaaala adeeggan ee ku sugan waddamada kale ayaa isu gudbin karay fariimaha ilaa 20 jeer.

Sharciyadan cusub ee ay soo kordhisay shirkada WhatsApp ayaa looga dhawaaqay xaflad ka dhacday caasimadda Jakarta ee dalka Indonesia.

Dalka Indonesia ayaa waxaa ka qabsoomaya bisha April ee soo socota doorashooyinka guud.

Shirkada WhatsAp ayaa u sheegtay BBC-da in go'aankan ay qaadatay kaddib markii "si taxadar leh" ay u qiimeysay natiijooyinka baaritaan ay ka waday dalkaasi muddo sannad barkiis ah.

"Xadiditaankan ayaa si xooggan hoos ugu dhigay fariimaha la isu diri jiray guud ahaan caalaamka," ayuu yiri afhayeenka u hadlay WhatsApp.

"Arrintaan ayaa qeyb ka qaadan doonta in WhatsApp uu xoogga saaro fariimaha gaarka ah. Waxaan sii wadi doona dhageysiga jawaabaha aan ka heleyno dadka isticmaalo ee macaamiisheenna ah, muddo ka dibna waxaan raadin doona qaabab cusub oo wax looga qabanayo guud ahaan isticmaalka adeeggan".

Sameynta uu ku yelan karo ganacsatada


Ganacsatadda Soomaalida ayaa ka mid ah macaamiisha sida weyn u isticmaala adeegga WhatsApp-ka.

Cabdirashid Osman oo ku sugan magaalada Nairobi, waa ganacsade iibiya gawaarida, waxa uuna u isticmaala WhatsApp-ka inuu dadka ugu diro sawirada gawaarida uu hayo.

Sidoo kale Cabdirashid Osman, Shirkadaha iibiya gawarida ayaa usoo dira sawiro, isagana dad badan ayuuna lasii wadaagi jiray.

"In shan fariin oo keliya shirkada WhatsApp ay kusoo koobto fariimaha aan la wadaago macaamiisheyda waa arrin adag. Ayuu yiri Cabdirashid Osman ".

"Waxaan ka baqayaa in culees badan uu lasoo darso ganacsigeyga maadaama aan inta badan diro fariimo aad u tiro badan. Ayuu intaasi kusii daray. "

Fariimaha degdega ah


Ku dhawaad 256 qof ayaa iska diiwaangelin kara guruub kasto oo WhatsApp ah.

Marka, la sheekeysanayo, hal qof oo keliya ayaa haatan fariin u diri kara ku dhawaad 1,280 oo ka mid ah dadka guruubka si ka duwan 5,120 oo qof oo uu horey u awoodey inuu fariinta diro.

Waxba isma beddelin, balse si loo joojiyo in dadka fariimaha helaya ay u sii diraan fariimahaasi in ka badan shan mar ayaa arrintaan loo sameeyay.

Xadiditaankan ayaa imaana xilli adeegyada shirkadaha WhatsApp iyo Facebook la baarayo dowrka ay ka qaataan baahitaanka wararka beenabuurka ah ee baraha bulshada la iskula wadaago.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay tirtirtay shan boqol oo boggag iyo koontiyo isugu jiray oo si sharcidarro ah uga qeybqaadanayay faafinta wararka beenabuurka ah ee gudaha dalalka Yurub, Ukrain iyo dalal kale oo ku yaallo bariga Yurub.

Waxay sidoo kale ku dhawaaqday Facebook inay sameysay adeeg xaqiiqo raadin ah oo fadhigiisu yahay Britain si loo waafajiyo wax walba oo baraha bulshada galaya shuruucda Facebook.

Sikastaba, adeegsiga xoggaha xafidan ee WhatsApp ayaa ka dhigan in fariimaha shirkadan ay aqrisan karaan oo keliya dadka loo diro iyo kuwa ay gaaraan fariimuhu, taasi oo xadideysa awooda shirkada ee ah inay ogaato wararka been abuurka ah.

Balse dhammaadka sanadkii lasoo dhaafay, warbaahinta Indian Press ayaa qortay in dowladdu ay ka fakareysay inay isbeddel ku sameyso sharcigan kaasi oo ku qasbayo Facebook iyo WhatsAp in lagula xisaabtamo waxyaabaha "sharcidarada ah" ee la baahiyo.

Tallaabadan ayaana haddi la hirgaliyo waxay caqabad ku noqoneysa xuquuqdeeda gaarka ah ee xafidnaanta xoggaha khaaska.

BBC

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM