Geerida Kayla Mueller oo la xaqiijiyey

Image

February 11, 2015 (GO)- Dowlada Maraykanka ayaa xaqiijisey geerida haweeney u dhalatay dalka Maraykanka taasoo in muddo ah u afduubneyd kooxda IS balse todobaadkii hore kooxdaasi shaacisey inay ku dhimatey duqeyn dhanka cirka ah oo diyaaradaha Jordan geysteen.

War-saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Maraykanku baaritaan kadib xaqiijiyey warka sheegaya geerida haweeneydaas oo ka shaqeyneysey arimaha samafalka.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Maraykanku xaqiijin karin in haweeneydaas lagu diley duqeyn diyaaradaha Jordan geysteen iyo in kooxda IS khaarijisey.

Kayla Mueller oo 26 jir ahayd taaso laga soo bilaabo sanadkii 2011 ka shaqeyneysey arimaha samafalka, waxaa bishii August ee sanadkii hore laga afduubtey magaalada Aleppo ee dalka Syria.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa cambaareeyey dilka Mueller isagoo sheegay in cadaaladda la hor keeni doono kuwii diley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM