Go'aan culus oo laga gaarey murankii DP World iyo Jabuuti

Image

LONDON, UK - Dowladda Dubai ayaa ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in Maxkamadda Caalamiga ah ee Xalinta Khilaafaadka (LCIA) ay xukuntay in qandaraaska dekedda Jabuuti uu yahay mid shaqeeya, ansax ah oo aan la jebin karin.

Jabuuti ayaa bishii Febuary ee sanadkan baabi'isay heshiiskii DP World ay ku maamuleysay Dekedda weyn ee Doraleh, kadib markii xal loo waayay muran labada dhinac u dhaxeeyay oo soo jiitamayay tan iyo 2012-kii.

Dowladda Dubai oo leh shirkadda DP World ayaa ku tilmaantay go'aanka Jabuuti mid sharci darro ah, waxayna dacwad ka dhan ah arintaasi u gudbisay Maxkamadda dhex-dhexaadinta caalamiga ah ee (LCIA), oo fadhigeedu yahay magaalada London.

Maxkamadda ayaa soo saartay maanta go'aan cad oo ay ku xukmisay in qandaraaska DP World ay la gashay dowladda Jabuuti uu yahay mid jira oo aanan laga bixin, sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay DP World, oo la hadlay Reuters.

 - Go'aanka Jabuuti -

Dowladda Jabuuti oo go'aanka Maxkamadda ka hadashay ayaa gabi ahaanba qaadacda, iyada oo carabka ku dhufatay inuu yahay mid lagu gacan-bidaxeynayo iyaga, waxayna ku tilmaameen inuu yahay "go'aan dhinac u jaran-jeera".

Abubakar Cumar Xaddi, oo ah Maareeyaha Dekadaha dowladda Jabuuti oo wareysi siiyay VOA-da ayaa ku nuux-nuux saday in go'aanka Maxkamadda LCIA ay ku dhawaaqday aysan gabi ahaanba u hogaansami doonin.

"Waan qaadacnay go'aanka, waxba nagama gelin. Waxaana u aragnaa inuu yahay go'aan dhinac u jaran-jeera oo aan cadaalad ahayn. Go'aanka maxkamada ma sameyn doono howlaha dekadaha Jabuuti," ayuu Abubakar hadalkiisa raaciyay.

Hadalka Maareeyaha iyo go'aanka maxkamadda London wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo mar sii horeysay ay dowladda Jabuuti ku dhawaaqday inay bixineyso Lacag magdhow ah, oo u siineyso DP World khasaaraha kasoo gaarey heshiiska ay uga baxday.

Magdhawga ayaa ah 33% faa'idada laga helo Adeeggii ay ka qaban jirtay DP World Dekedda Doraleh, balse saraakiisha shirkaddan ayaa qaadacay balan-qaadkaasi.

Sanadkii 2017, Maxkamadda LCIA ayaa meesha ka saartay, oo waxba kama jiraan ka dhigtay eedeymo ay Jabuuti u jeedisay DP World, oo ahaa inay bixisay laaluush si ay mudo dheer usoo maamusho Dekedda Doraleh.

DP World oo ah shirkadda 4aad ee kuwa ugu waaweyn caalamka ee Dekadaha ka shaqeeya ayaa maalgashatay Dekado ku yaalla caalamka, oo ballaarin iyo horumarin dhanka adeegga ku sameysay. Kuwa Soomaaliya ku yaalla ayaa kamid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM