Gollaha Amaanka oo qaraar kasoo saarey Colaadda Suuriya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NEW YORK, USA - Dowladaha Gollaha Amaanka ee QM ayaa xalay u codeeyay si aqlabiyad ah qaraar cusub oo ku baaqay in Xabad-joojin deg deg ah laga dhaqan-geliyo Bariga magaalada Ghouta ee dalka Suuriya, oo hal Tobaad lagu dilay in ka badan 500 oo qof.

Qaraarkan oo Gollaha ay horkeeneen dowladaha Kuwait iyo Sweden ayaa waxaa taageeray Ruushka oo ah saaxiibka ugu weyn Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad, islamarkaana ciidamo ka joogaan dalkaasi colaadda ka taagan tan iyo 2011-kii.

Gollaha Amaanka qaraarka ay meel-mariyeen oo 30-maalmood ah, ayaa ah mid bini'aadanimo oo la doonayo in Gargaar lagu gaarsiiyo shacabka ku go'aamay dagaalka Bariga magaalada Ghouta oo ay ku dagaalamayaan Mucaaradka iyo Ciidanka dowladda.

Lama oga waqtiga uu dhaqan-gali doonto Xabad-joojinta, balse Mucaaradka gacanta ku haya Ghouta ayaa soo dhaweeyay qaraarka Gollaha Amaanka ee QM, oo ay ku tilmaameen mid yimid xilliga loo baahnaa.

Kooxda dusha kala socota Xaaladda Suuriya ee fadhigeedu yahay London, ayaa sheegtay in wax yar kadib markii uu soo baxay qaraarka Gollaha Amaanka ay Diyaaradaha dagaalka dowladda Suuriya iyo kuwa Ruushka ay duqeymo ka fuliyeen Ghouta.

Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel iyo Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa la filayaa in maanta ay Taleefonka kula hadlaay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin si uu gacan ugu geesto dhaqan-gelinta qaraarka xabad-joojinta.

Xaaladda Bariga Ghouta ayaa ah mid cakiran, oo warar murugo xambaarsan ay kasoo baxayaan, iyadoo dagaalka iyo duqeymaha joogtada ah ee ka socda ay galaafteen nolosha mudo 7 maalmood ah 519 qof oo shacab ah, oo ay ku jiraan 127 Caruur ah.

Ghouta oo ku dhaw magaalada Dimishiq, ee Caasimadda Suuriya ayaa waxaa go'doomiyay Ciidamada daacadda u ah Madaxweyne Bashaar Al Asad, oo cirka iyo dhulka ka duqeynaya, iyadoo dadka shacab ah aysan haysan meel ay ku baxsadaan.

Dagaalka ka socda Ghouta waxaa lagu tilmaamay inuu yahay midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalkaasi oo colaad ay ka socoto mudo 7 sano ah, waxaana QM ay sheegtay in xaalka uu yahay mid aan kasoo reyn lahayn, oo sii xumaanaya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM