Hadal-heyn cajiib ah oo ka dhalatay kulankii Trump iyo Putin

Image

HELSINKI - Donald Trump iyo Vladimir Putin, ayaa kulan fool ka fool ah ku yeeshay shalay magalaadda Helsinki ee caasimadda wadanka Finland, kaasi oo abuuray hadal-heyn badan oo qabsaday baraha bulshada.

Kulankaan ayaa qodobadda u degsanaa ee looga hadlay waxay kala ahaayeen; arrinta dalka Ukraine, mida Suuriya iyo Nuyukleerka, sida laga soo xigtay War ay soo saareen labadda dalka.

Gaba gabadda kulankooda ayaa waxaa mid walba uu warbaahinta u sheegay hadalo abuuray muran badan, kuwaasoo shacabka Mareykanka iyo Ruushka si yaabo kala duwan uga falceliyay.

Madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in Ruushka uu yahay saaxiibka Mareykanka, sidaas darteeda ay muhiim tahay inay dhex-marto wadashaqayn, ayna si wadajir ah isaga kaashadaan arrimaha gaar.

Dhanka kale, Putin ayaa daboolka ka qaaday in Trump uu yahay "Nin karti leh" islamarkaana aad udhageysi badan marka ay taagan ama ay jiraan xaaladaha adag, uuna fekerkiisa u cabiro si wanagasan.

Labadda Madaxweyne ayaa xiriirkii mugdiga ku jiray ee Mareykanka iyo Ruushka, oo ah kuwa ugu awoodda badan caalamka kusoo afjaray kulan albabaada u xiran oo ay ku yeesheen magaalada Helsinki.

Xiriikka labada wadan ayaa hoos u dhacay markii Ruushka lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa doorashadii Mareykanka 2016 ee uu kusoo baxay Trump, taasoo la sheegay in xukuumada Moscow ay fara-gelisay.

"Ma jiraan sababo usii socoto xiisada u dhexeeya Ruushka iyo Mareykanka. Dagaalkii qaboobaa waa arrin hore, xaaladda adduunka si aad ah ayay isku badashay," ayuu yiri Putin.

Dhankiisa, Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu ku qaldanaa inuu cadaawad u muujiyo Ruushka, maadaama uu yahay dal quwad leh, oo aan marna la lumin karin saaxibitimadiisa.

Wuxuu amaanay wadahadalka tooska ah, daacadda iyo wax ku-oolka ah, ee uu la yeeshay Putin, isagoo ku baaqay in lasii wado xiriirka diblomaasiyadeed iyo wadashaqeyn ee labada wadan.

Madaxweyne Trump ayaa beeniyay in Ruushka uu ku lug lahaa doorashadii Mareykanka ee isaga uu ku guuleystay, waxaana uu difaacay xiriirka dhaw ee uu la leeyahay Moscow.

"Ruushka marna ma faragelin doorashadii Mareykanka mana doonayo inuu farageliyo arrimahiisa gudaha," ayuu yiri Madaxweyne Putin, oo sidoo kale tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid wanaagsan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan 12 Sarkaal oo kuwa Sirdoonka Militeriga Ruushka lagu soo oogay dacwad ah inay faragelin ku sameeyeen doorshadii madaxtinimo ee Mareykanka.

Mas'uuliyiin badan ayuu Trump xilalkooda uga qaadey markii ay baaritaan ku sameeyeen faragelinta Ruusha ee doorashada Mareynkanka kuwaasi oo uu kamid yahay madaxii FBI-da, James Comey, waxaana wali socda baaritaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM