​Hishiis laga gaaray kalluumaysiga sharci darrada ah

Image

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay in la gaaray hishiis ku saabsan la dagaallanka kalluumaysiga sharci darradda, kaasoo uu tilmaamay inuu siinayo awood buuxda dalalka ku bahoobay hishiiskaasi.

Bayaan uu soo saaray Kerry ayuu ku sheegay in “Ayada oo iminka ay 30 dal iyo ururo ay qeyb ka yihiin, uu heshiiska si rasmi ah u dhaqan geli doono shanta bisha June ee sanadkan, taasi oo awood u siin doonta dalalka ku biiray heshiiska inay adeegsadaan xeeldaha lagama maarmaanka ah ee ay kaga hortagayaan iibka kalluunka sharci darrada ah”.

Wuxuu xusay in khyaraad ku kacaya mallaayiin doollar si sharci darro ah loogala baxayo biyaha waddamada caalamka qaarkood, taasi oo sheegay inay saamaysay kumanaan qoysas noloshoodu ku tiirsanayd Kalluumaysiga.

“Kalluumeysiga sharci darrada ah, waxa uu badaheena sanad kasta ka xadaa kheyraad u dhigma balaayin dollar, taasi oo dhaawac gaarsiineysa kuwa u hoggaansama sharciga, oo ay ku jiraan tobanaan kun oo ah dad Mareykan ah oo qoysaskooda ka taageera kalluumeysiga sharciga iyo mas’uuliyadda ku saleysan,” Ayuu yiri Mr. Kerry.

Kerry, ayaa u gacan haadiyay waddamada aan ku jirin hishiiskan, wuxuuna ugu baaqay inay ku soo biiraan si uu saameyn ballaaran u yeesho, isagoo carrabka ku dhuftay inuu go'aankan qayb ka yahay dhaqdhaqaaqa caalami ah oo lagu badbaadinayo badaha.

Dhinaca kale hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO), ayaa ku dhowaaqday in 29 dal iyo Midowga Yurub ay ku biireen heshiiskii la saxiixay 2009 ee looga hortagayo islamarkaana lagubaa bi’inayo kalluumeysiha sharci darrada ah ee IUU.

Arrintan ayaa hadii ay hirgasho, wuxuu si gaar ah u saamaynayaa dalka Somalia, oo waddanka ugu badan ee sida xowliga ah ugu badanayo kalluumaysiga sharci darrada ah, waxaana arrintaasi saamaysay boqolaal kamid ah dadka xeebaha Somalia ka jillaabta kuwaasi oo horay warbaahinta u sheegay inay soo celin karto burcad-badeedii la suuliyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM