Hogaamiyaha Shiinaha oo tagay Maraykanka

Image

23 September, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping ayaa gaaray magalada Seattle ee waddanka Maraykanka, taas oo bilow u ah booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago tani iyo markii xilka loo doortay.

Mr Xi Jinping waxa uu seddax maalin joogi doonaa magaalada Washington, halkaas oo uu kula kulmi doono ganacsato iyo dadka tiknolojiyadda ka shaqeeya.

Madaxweynaha Maraykanka Obama iyo kan shiina ayaa kulan looga hadli doono arrimo badan ku yeelan doona Magalada Washington.

Qoraal lagu daabacay wargeyska Wall Street ka hor booqashadiisa, Madaxweyne Xi waxa uu caddeeyay in labada si wadajir ah u shaqeeyaan, isagoo meesha ka saaray dagaalka labada hogaamiye.

Labada dalka, Shiinaha iyo Maraykanka waxaa ka dhaxeeya loollan adag oo ku aadan dhaqaalaha adduunka.
 

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM