Hogaamiyihii mucaaradka Suuriya oo la dilay

Image

26 December, 2015(GO)-Weerar ay fulisay diyaarad ay leedahay xukuumadda Moscow ayaa lagu dilay hogaamiyihii kooxda mucaaradka Jaysh al-Islam iyo dhawr sarkaal oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in Zahran Alloush iyo dhowr sarkaal oo kale ay ku dhinteen duqeyn diyaaradaha Ruushka ka fuliyeen degmo ku taalla duleedka caasimadda Suuriya  ee Dimishiq.

Jabhadda uu hogaaminayay Zahran ee Jaysh al-Islam ayaa waxaa si weyn u taageerta dowladda Sacuudi Carabiya, wuxuuna Alloush noqday sarkaalkii ugu sareeyay ee ku dhinta duqeymaha Ruushka tan iyo markii uu howgalka ka bilaabay Suuriya.

Moscow ayaa ka aaminsan kooxdan Argagixiso khatar ku ah nabad galyada Caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM