"Hooyadey uma dhiman Covid-19, balse waxaa dayacay saraakiisha"

Image

NEW DEHLI, India – Markii saraakiisha caafimaadka ay karan-tiileen Sohrab Farooqui iyo qoyskiisa aroornimadii 11-ka April sanadkan 2020 wadartooda waxay ahayd 9 [sagaal] xubnood. Afar maalmood kadib, markii ay Arbacadii dib ugu laabteen hoygooda waxay noqdeen 8 [sideed].

Farooqui, arday 25-jir ah oo magaalada Mumbai ka barta maamulka huteelka, ayaa degan Dharavi, mid kamid ah xaafadaha isku-raranka ah kuwooda ugu weyn Aasiya. Dadka way isku dul nool yihiin, taas oo sabab ka dhigeysa in ay aad ugu nugul yihiin faafitaanka fayruska.

Illaa iyo haatan, Dharavi waxaa laga soo wariyey 60 kiis oo Coronavirus ah iyo sideed dhimasho ah. Mid kamid ah dadka laga helay waxay wada degnaayeen Farooqui. Maalmo ayuu isbitaal jiifay.

Habeen 10-kii April, saraakiil caafimaad ayaa booqdey xaafadda Farooqui. "Kahor inta aysan bixin, waxay noo shegeeen in ay sidoo kale naga qaadi doonan tijaabo si ay u eegaan hadii aanu qabo," ayuu yiri.

Maalintii xigtay, aroortii, Farooqui, waalidiintiisa, walaalkiisa ka weyn, xaaskiisa, labadooda caruur iyo labadiisa adeer waxaa loo daad-gureeyay garoon kubada cagta balse loo rogay xarun karantiil. Goobtaas waxay qiyaasitii hal kilomitir ay u jirtaa guriga ay rasmi ahaan degan yihiin.

"Goobta karantiilka xaqiiqatan waa hal hool oo weyn, halkaasoo 31 qof oo annaga aan ku jirno lagu soo xiray," ayuu u sheegay Al Jazeera. "Kaliya waxaa ku taala laba suuli – mid waa dumarka, midna waa ragga. Sidoo kale, ma aysan jirin wax daryeel ah oo dadka loo sameynaayey".

Farooqui oo aan ku qancin xaaladaas ayaa mas'uul goobta joogay wuxuu su'aallay waqtiga ay halkaas baaqi kusii ahaan doonan.

"Balse ma uusan isiin wax tilmaam ah," ayuu tibaaxay. "Waxaan naloo sheegay in ay diyaar yihiin saraakiil caafimaad oo baaritaanka qaadeysa. Markaas, waxaan u walwalay waalidiinteyda," ayuu ku daray.

Dhimashadda

Farooqui hooyadii, Afsari Bano oo 55-jir ah ayaa qabtay cudurada Sokor, Dhuun-xanuun iyo Dhiig-kar. Wuxuu sheegay aabihii, Ansar Ahmed, 64-jir, uu halis ugu jiro fayruska sabab la xiriirta da'diisa.

"Maadaama aanan ogeyn xiliga aan joogeyno karantiilka, ma aanan soo qaadan daawooyin ku filan hooyadey. Balse waxaan siday galkeeda, waanna u sheegey mas'uuliyiinta dawada aan u baahan nahay. Balse ma aanan helin waxay noo sheegeen bakhaarku xiran yahay".

Sikastaba, Afsari waxaa ku kacay Dhiig-karkii. Waxay awoodi weyday socodka. Xanuunkiina wuu kusii kordhay. Tani waxay qasabtay in ay dalbadaan gaariga curyaanka, waana loo keenay. Balse wali daawadii ay u baahnaayeen ma aysan heli maadaama bakhaarku xirnaa.

Farooqui ayaa intaas ku daray in ay la xiriireen mas'uuliyiinta sar-sarre, loona balanqaadey in loo keenayo daawooyinka. Balse iyaddoo xanuunka uu kusii kordhayo hooyadii, ma aysan helin.

Dhinaca kale, Afsari oo si tartiib ah u socota ayaa u dhaqaaqdey dhinaca Suulida, balse waa ay miyir-beeshay xili ay isku dayeysay in ay soo kacdo. Isbitaalka wuxuu u jiray 3 KM, balse way ka dib-dhaceen.

"Waxaan waayey hooyadey, ma aysan u dhiman Covid-19, balse waxay u geeriyootay dayacaada booliska iyo saraakiisha caafimaadka," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, isagoo carabka ku adkeeyay in uu kasoo daahey gaadiidka gurmadka deg-dega ah.

Dowladda Hindiya oo si kooban uga hadashay dhacdadaan ayaa sheegtay in ay baarayaan kiiska, waxayna tacsi u dirtay qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxdey.

Kadib markii meydka laga soo saarey isbitaalka, Farooqui oo ay wehliyaan qoyskiisa iyo saaxiibadiisa waxay hooyadii ku aaseen qubuuro ku yaala xaafadooda isku raranka ah.

Qoyskaan ay dhibaatadan haleeshay ayaa guriyahooda dib ugu laabtey Arbacadii kadib markii laga qaadey tijaabooyinka. Aqaladooda ayay ku sugayaan natiijada baaritaanka oo la filayo in ay soo baxdo maalmaha soo aadan, iyaddoo qof walba uu ka cabsi qabo in uu soo rito xanuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM