Huawei: Ma shirkad isgaarsiin ah mise hay’ad wax u basaasta Shiinaha?

Image

Goor dhow waxaa meel kasta oo dunida ka tirsan gaari doona adeegga internetka Telefoonka ee 5G. Huawei waa mid ka mid ah shirkadaha horseedka ka ah horumarkan, laakiin waxaa lagu eedeeyay in ay marin u tahay hay'adaha Shiinaha ee basaasa waddamada reer galbeedka.

Shirkaddu dambigaas ma leedahay? Mise waxay dhibbane u tahay hadallo ku tiri ku teen ah, oo caddaaladda ka fog?

Waxaa isasoo tarayay warar ku saabsan dhaliilo loo jeediyay Huwawei, iyadoo sidoo kalena la ogyahay in ay saldhig u tahay muran diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya Shiinaha iyo dalal ka tirsan reer Galbeedka.

Haweeney madaxa dhinaca maaliyadda u ahayd shirkaddan oo lagu magacaabo Meng Wanzhou ayaa lagu xiray Canada, ka dib markii ay sidaas dalbatay dowladda Mareykanka oo dooneysa in loo soo gacan galiyo.

Shiinaha ayaa sidoo kale dalxiisa ku xiray labo muwaadin oo u dhalatay Canada, kuwaasoo uu ku eedeeyay iney dhaqdhaqaaqyo basaas ah ka sameynayeen gudaha Shiinaha.

Laakiin dadka falanqeeya arrimaha diblomaasiayadda waxay xariga muwaadiniinta Canada ee Shiinaha uu sameeyay ay la xiriiriyeen kiiska haweeneyda ka tirsan mas'uuliyiinka shirkadda Huwawei.

Ma waxaa loo dhacay macluumaadka midowga Africa?

Dhismaha Xarunta ururka midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa waa dhisme aad u qurux badan oo dhalaalaya waxayna bilicdiisa si fiican ugu soo baxdaa qorraxda galabtii.

Wuxuu dhismahan indha daraandarka ah ka dhex muuqdaa caasimadda dalka Itoobiya, gudihiisana sidoo kale waa mid aad indhaha usoo jiidanaya.

Meel kasta oo ka mid ah dhismahan waxaa ka muuqda astaamo lagu sheegayo in dhismaha xaruntan lagu suurta galiyay dhaqaale ay ku deeqday dowladda Shiinaha.

Sannadkii 2006-dii ayey xukuumadda Beijing ku yaboohday lacag dhan $200milyan oo doolar, si loogu dhiso xarunta midowga Afrka.

Djhismaha oo ay ka howl galeen shaqaale Shiinys ah ayaa la dhammeystiray sannadkii 2012-kii.

Guud ahaan qalabka la dhigay oo ay ka mid yihiin Kumbuyuutarrada iyo hannaanka ay ku shaqeeyaan waxaa hirgaliyay Shiinaha.

Dhismahan wuxuu horseeday inuu aad u adkaado xiriirka saaxiibtinimo ee Shiinaha iyo qaaradda Afrika.

Iskaashiga dhinaca ganacsiga ee labada dhinac ayaa meel aad u sarreysa gaaray 20-kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna kor u kacay ilaa 20%, sida laga soo xigtay hay'adda caalamiga ah ee international consultancy McKinsey.

Shiinaha ayaa sidaas awgeed ku noqday waddanka ugu weyn ee xulafada dhanka dhaqaalaha la ah Afrika.

Balse bishii Janaayo ee sannadkii 2018-kii, wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Le Monde Afrique ayaa shaaca ka qaaday arrin aad u culus.

Wuxuu wargeysku sheegay in Kumbuyuutarrada uu ururka midowga Afrika ku shaqeeya lala wareegay macluumaadkoodana si toos ah loo qaato.

Isagoo ilo kala duwan soo xiganaya ayuu sheegay in muddadii shanta sano ahayd ee lasoo dhaaafay xogta midowga Afrka la roganayay waqtiga uu ku tilmaamay saacadaha saqda dhexe.

Warka kusoo baxay wargeyskan ayaa lagu sheegay in xogta loo gudbin jiray masaafe dhan 8,000km oo ah kumbuyuutarro yaalla magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha.

Arrintan waxay sida la sheegay socotay muddo 1,825 maalmood oo xiriir ah.

Wargeyska Le Monde Afrique wuxuu sheegay in sirtan ay soo shaac baxday sannadkii 2017-kii, ka dib markii ay ogaadeen seynisyahanno ka howl gala xarunta midowga Afrika.

Waxaa kale oo lasoo tabiyay in makarafoonno iyo qalab wax lagu dhageysto laga helay darbiyada dhismaha, ka dib markii macluumaad la helay.

Jawaabta laga bixiyay eedeymahan waxay ahayd mid iska fudud.

Ururka midowga Afrika iyo dowladda Shiinaha waxay labaduba ku cacan seyreen xogtaas uu wargeysku shaaciyay.

Hase ahaatee marka laga soot ago dhammaan macluumaadkan, waxaa jirtay hal xaqiiqo oo aan lasoo tabinin.

Shirkadda ugu weyn ee xarunta midowga Afrika siisa adeegyada dhinaca isgaarsiinta iyo xiriirka ku shaqeeya tiknoolojiyadda waxay ahayd shirkadda tayada wanaagsan leh ee sida weyn looga yaqaanno Shiinaha ee lagu magacaabo Huawei.

"Tani micnaheeda ma aha in shirkaddu ay ka qeyb qaadatay xatooyo loo geystay xogaha", waxaa sidaas yidhi Danielle Cave oo ka howl gala xarun dhinaca istiraatiijiyadda ah oo ku taalla Australia, mar uu ka hadlayay arrimaha ku saabsan dhacdada lagu eedeeyay Shiinaha.

Af hayeen u hadlay shirkadda Huwawei oo BBC-da la hadlay ayaa yidhi: "Haddii xog laga xaday xarunta midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa, taasi waa mid waqti intaas ka dheer socotay, xatooyadan ku saabsan xogta ma aha mid wax xiriir ah la leh adeegga tiknoolojiyadda ee ay bixiso shirkadda Huwawei".

Ma jiraan wax caddeymo ah oo loo hayo eedeymaha iyo macluumaadka uu daboolka ka qaaday wargeyska kasoo baxa dalka Faransiiska.

Ilaa iyo haddana ma jirto cid si toos ah warbaahinta uga hadashay oo ku dhawaaqday in lala wareegay hannaanka kumbuyuutarrada ee xarunta Midowga Afrika.

 BBC

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM