Human Rights Watch oo dalbatey in baaris lagu sameeyo Mukhtar Robow

Image

NAIROBI, Kenya-  Afhayeen u hadlay hay'ada xuquuqul insaanka eegta ayaa sheegey in sharciga caalamiga ah ( International Law) uu mamnuucayo in cafis loo fidiyo kuwa gaysta xadgudubyada.

Qoraalkaan oo barta twitter hay'ada Human right watch ku leedahay soo dhigtey laetitia Bader ayaa lagu sheegey in Mukhtar Robow uu door hogaamineed ku lahaa Al shabaab markii ururkaan weeraro aan loo meeldayin la beegsanayeen dadka rayidka ah, caruurta lagu khasbayey in ciidamada qortaan halka  dhibaatooyin ku hayeen dadka ku nool degaanada kooxdaan ka talineysay waqtigaas.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in dowlada Fedraalka Somaaliya looga baahan yahay iney baaris ku sameyso doorka Mukhtar Robow ku lahaa xadgudubyadaan si loo hubiyo in kuwa mas'uulka ka ah dhibaatooyinkaan ka baxsadaan ciqaabta. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM