Nin Model-ka caan Ku ahaa oo dhintay isagoo masraxa taagan

Image

SAN PAOLO, Brazil – Nin dharka xayeysiiya ayaa geeriyooday markii uu ku suuxay masraxa Bandhiga Todobaadka Iidhehda ee wadanka Brazil, qaarada Ameerika.

26-sano jir, Tales Soares, oo caan ku ah magaca Tales Cotta ayaa si lama filaan ah dhulka ugu dhacay Sabtidii isaga oo ku socda halka loogu talogalay Iidhehisteyaasha.

Muuqaal laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya xaalad cakiran iyo jahwareer durbadiiba ka dhalatay suuxitaanka xili Isbitaal loola caray Tales si loo badbaadiyo noloshiisa.

Nasiib daro, goor dambe ayaa waxaa lasoo wariyey in Tales uu dhintay, sidda ay xaqiijiyeen qaban-qaabiyeyaasha Bandhigaasi.

Wali ma cadda sababta keentay geerida Tales, balse baaritaan ayaa lagu bilaabay, sidda laga soo xigtay laamaha nabad-gelyadda.

Ka qaybgalayaasha iyo dadka isku soo dabariday munaasabadaan ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka, iyaga oo u rajeeyay wanaag, kuna tilmaamay Tales "mid ku dayasho mudan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM