Imaaraadka oo xayiraad kusoo rogay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

ABU DHABI, UAE – Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii wuxuu si ku meelgaar ah u joojiyey in uu dal ku gal siiso dadka ka imaanaya Soomaaliya iyo 11 dal kale, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Sidda ku xusan warbixinadda ay tabineyso warbaahinta, go'aankan ayaa la xiriira soo-rogaal-celiska uu sameynayo fayruska Corona.

Liiska dowladaha ay saameyneyso xayiraadda ayaa waxay kala yihiin; Turkey, Iran, Yemen, Syria, Iraq, Pakistan, Libya, Kenya iyo Afghanistan.

Inkasta oo aan lasoo bandhigin xilliga la qaadayo xayiraadaas, haddana waxaa la sheegay in ay sii jireyso illaa iyo amar dambe uu kasoo baxayo.

Soomaaliya ayaa laga diiwaan-geliyey kiisas Covid-19 oo tiradoodu gaareyso 4,301; dadka ka bogsaday waxay mareysaa 3,330, halka dhimashadda lagu waramay in ay sii cagacageyneyso 107 marxuum Soomaali ah.

Guud ahaan caalamka, kiisaska Covid-19 ayaa ka badan 55 milyan ruux, halka bogsashadda ay tahay 35 milyan, halka geerida ay tahay 1.34 milyan.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee loo garan-og-yahay WHO ayaa waxay ugu baaqdey dowladaha in ay qaadaan talaabo kasta oo ay u arkaan in looga baaqsan karo in saameynta fayruska ay gaarto bulshada qeybteeda nugul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM