Imran Khan: Xijaabka wuxuu noqday hubka Islaam-naceybka

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ra'iisul Wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa waxa uu si adag uga hadlay Islaam-naceybka kusii baahaya aduunka.

Isaga oo ka hadlayey shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Khan ayaa shaaca ka qaadey in Xijaabka uu noqday hub loo adeegsado arrintan.

"Islaam naceybka wuxuu sababayaa kala qeyb-sanaan, Xijaabka wuxuu noqday hubka kaliya ee loo maro," ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Inta badan dhacdooyinka la xiriira qaddiyadan oo sanadkan 2019-ka kordhay ayaa waxaa laga soo wariyaa wadamada reer Gabeedka.

"Islaam-naceybka wuxuu sababayaa xanuun; waxaana uu yahay mid sii xumaanaya," ayuu raaciyey wasiirka koowaad ee xukuumadda Islamabad.

Sidda laga soo xigtay Khan, xorriyadda hadalka waa halka loo maro in loogu gafo Diinta Islaamka iyo Suubanaheena Nabi Maxamed [NNKH].

"Islaamka waa lagu faquuqay [wadamadda reer] Galbeedka; waxaana loo aqoonsaday Diin aan dulqaad lahayn," ayuu daba dhigay.

Khan ayaa safka hore kaga jiray liiska hogaamiyeyaasha caalamka ee sida u furan uga dhiidhiya xadgudubyadda ka dhanka ah dunida Islaamka.

"Ha u adeegsanin xorriyadda hadalka in aad nagu xanuun-jiso wax ku saabsan Nabigeena barakeysan," ayuu hadalkiisa kusoo xiray ra'iisul wasaare Imran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM