In ka badan 20 Xildhibaan oo laga helay cudurka Coronavirus

Image

TEHRAN, Iran – Iyaddoo laga cabsi qabo in ay tirada korodho, ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Iran ayaa Talaadada maanta ah ku dhawaaqay in 23 Xildhibaan laga helay Coronavirus.

Wadarta guud ee mudaneyaasha xeer-dejinta waddankaas dhaca Bariga Dhexe ayaa waxay gaareysaa 290 sharci-dejiyeyaal.

Ku dhawaaqista ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii si ku meel gaar ah loo joojiyey fadhiyadda joogtada ah ee golaha.

Sidda ay warisay BBC Persian, Xildhibaanada waxay cudurka kasoo qaadeen degaan doorashadooda, halkaasoo ii si daran u sameeyay xanuunka.

Iiraan waa dalka labaad ee laga soo wariyey geerida ugu badan uu ka sababay dilaagaan, marka laga soo tago Shiinaha oo ah xudunta caabuqa.

Warbixintii u dambeysay ayaa waxay tilmaameysaa in 77 ruux ay u geeriyoodeen, isla markaana 2,336 laga helay.

Kiisaska la xiriira Xildhibaanada ayaa kusoo hagaageysa iyaddoo maalintii shalay ahayd lasoo tabiyey in uu u dhintay mas'uul lataliye sarre u ahaa hogaamiyaha sare ee Iran, Aayatulah Cali Khamani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM