​India: Nin dilay 14 katirsan qoyskiisa

Image

Nin u dhashay dalka  India ayaa tooray ku dilay 14 kamid ah qoyskiisa xilli ay jiifeen, waxaana dadka uu laayay kamid ahaa 7 carruura. 

Dambi baarayaal gacanta ku haya kiiskaasi, ayaa aaminsan in dil wadareedkan la xiriirto hantida qoyskaasi, waxayna Boliisku sheegayaan in dhacdadan kusoo wargaliyeen dad ka agdhawaa goobta weerarku ka dhacay, kadib markii ay maqleen qaylada haweenay la dhalatay ninka dilka gaystay taasoo weerarka ka bad-baaday.

Boliisku waxay sheegeen inuu falkan ahaa mid uu sii qorsheeyay dambiiluhu kadib markii uu xiray dhammaan albaabada guriga. 

Ninka weerarka gaystay, ayaa markii dambe isdilay kahor intaysan Boliisku goobta imaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM